Malaaq Mukhtaar iyo Malaaq Carab oo ku sugan magaalada Muqdisho martina u ah Kooxda Carta
MUQDISHO March 14, 2001 (BP)- Warar aan ka helnay ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Malaaq Mukhtaar iyo Malaaq Carab ay haatan ku suganyihiin magaalada Xamar ayna marti u yihiin Kooxda Carta.
Warku wuxuu itaas ku daray in ay maalinta Khamista ah ee barito ay soo saari doonaan BAYAAN ka dhan ah Maamulka RRA, lama garanayo sababta labada Malaaq ku kaliftay in ay xiriir la yeshaan Kooxda Carta oo isku dayaysa sidii ay u kala qeybin lahayd Beelaha Digil iyo Mirifle ka dib markii ay ku fashilmeen labo jeer oo hore.
Dhanka kale waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in ay labada Malaaq ka shaqeynayaan sidii ay isugu soo dhaweyn lahaayeen qaar ka mid ah xubnaha wasiirada kooxda Carta ee ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ee rabo in ay dib ugu laabtaan Baydhabo iyo Maamulka RRA, xubnahaas oo la shegay in ay ku hawlanyihiin sidii ay iskaga casili lahaayeen xilka ay ka hayaan kooxda Carta.
(BAYDHABO PRESS) |