Wargeyska BAYDHABO PRESS ayaa lagu sameyn doona markii ugu horeysay dib u habeyn iyo casriyayn
BAYDHABO March 16, 2001 (BP)- Waxaa markii ugu horeysay lagu sameyn doona dayactir iyo isbedel wargeyska BAYDHABO PRESS oo loo diyaarin doono in uu nooqdo mid casri ah.
Waxaa sidaas oo kale sare loo qaadi doonaa tayada iyo wararka wargeyska iyada oo u wargeysku yeelan doono qeybo kala duwan. Wararka waxaa laga dhigi doona kuwo joogta ah iyada oo akhristayaashana laga codsan doono in ay qeyb ka qaataan kharashka ku bixi doona sare u qaadista tayada wargeyska iyo sidii loo soo tabin lahaa warar joogto ah.
(BAYDHABO PRESS) |