Xasan Abshir iyo C/laahi Muuse KingKong oo la filayo in ay dhawaan ka baxaan maamulka Carta
Muqdisho March 25, 2001 (BP)- Waxaa dhawaan la filayaa in ay maamulka Carta ka baxaan Xasan Abshir Faarax iyo C/laahi Muuse Kingkong oo ah labo wasiir oo ka soo jeeda Puntland sida ay sheegeen niman xigto la ah labada wasiir.
Waraaq uu wargeyskan helay uuna na soo gaarsiyay Jan. Diriye Cabdi Cali ayuu ku sheegay in Saraakisha, Isimada, iyo Culumaaudiinka Puntland ay ka soo shaqeeyeen arintaan lana isku afgartay in wixii
khilaaf ah lagu dhameeyo wada hadal si wada jir ahna loogu soo wada jeesto horumarinta maamulka Puntland.
(BAYDHABO PRESS)
This message has been edited by moalen on Mar 25, 2001 3:57 PM
|
|