Kulan ay kooxda Carta dooneysy in ay maamul ugu sameyso Degmada Afooye oo fashilmay
AFGOOYE March 31, 2001 (BP)-Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ayaa sheegaaya in Cali Khalif Galayr iyo koox uu hoggaaminayo eey toddobaadkan la shireen odayaasha Afgoye, iyagoo rabay in maamul loo sameeyo degmada Afgoye.
Odayaasha degmada waxay u sheegeen Cali Khalif in dhib wayn uu ka haysto Moryaanta eey isku qabiilka yihiin Cabdi Qaasim Salaad, oo muhimaddooda ugu horayso eey tahay in laga saaro magaalada Afgooye iyo guud ahaan Gobolka shabeelaha hoose moryaantaas, waxayna yiraahdeen markaas ka dib ayeey tahay inaan ka wada hadalno dhismo maamul iyo wixii kale ee horumar iyo dhaqaale ku saabsan.
Markii wada hadalka uu u batay dhibaatooyinka ah dhaca, boobka hantida dadka iyo dilka joogtada ee lagu haayo dadka aan waxba geeysan ayuu Cali Khalif soo gabagabeeyey shirkii iyadoo wax natiijo ah laga gaarin.
dad goob joob ka ahaa shirka ayaa sheegay, odayaasha ineey aad uga caroodeen sida tixgelin la'aanta ah uu Cali Khaliif ula hadlaayey odayaasha inta uu shirka socday.
Dhinaca kale waxaa magaalada BAYDHABO soo gaaray Odayaal iyo Malaaqyo ka socda Beelaha Digil ee gobolka Shabeelaha Hoose waxayna dacwad ka dhan ah Maleshiyada C/qaasim ee ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose soo gaarsiyeen maamulka RRA.
W.Q. Abdulkadir Abow
(BAYDHABO PRESS) |