Return to Index  

JAWAAB UU URURKA SNF KA BIXIYEY WAR SAXAAFADEEDKII KOOXDA CARTA EE LAGA DAAYEY BBC/DA

April 12 2001 at 3:53 PM
BAYDHABO PRESS 

 

From: "HASSAN NUR SUGULE"
To: baydhabopress@hotmail.com

Subject: JAWAAB UU URURKA SNF KA BIXIYEY WAR SAXAAFADEEDKII KOOXDA CARTA
Date: Wed, 11 Apr 2001 19:08:09 -0000


Waxaan filaynaa inay tahay wax lagu qoslo hadaladii maanta kasoo yeeray kooxda Carta ee ahaa inay Itoobiya siinayaan digniintii ugu danbaysay,iyagoo sheegaya inay ciidamo Itoobiyaan ah joogaan BAY,BAKOOL IYO GEDO.

Waxaa iswaydiin mudan maxay kooxda afarta hoteel ku jirta had iyo jeer u tiraahdaa Itoobiyaanbaa waddanka jooga iyaa u fasaxay inay arrimaha gudaha ee gobolka Gedo ka hadlaan, maxaayeelay Gedo waxaa arrimihiisa ka hadli kara oo kaliya dadka u dhashay.

Waxaan kula talin lahayn in kooxdaas ay joojiso hadalada caqli yarida ah ee ay ku sheeganayso inay tahay dawlad, waayo waalawada ogsoon yahay inay soomaaliya kajirin dawlad sheegan karta inay iyadu ka taliso dalka,waana inay ka waantawdaa inay magaalada muqdisho isugu keento dad aanan matalin shacabkooda, ujeedada kaliya ee ay lee yihiina ay tahay kursi iyo lacag, xalka kaliya ee maanta Soomaali u baahan tahay waa in loo ogolaado in maamulku kasoo bilawdo aasaaska, taasoo macnaheedu yahay in xukunka laga bilaabo degmooyinka iyo gobolada, kaddibna loo tallaabsado dawlad federaali ah wixii intaa kasoo hara waa sheeko xariir, xalna marnaba lagaarimayo inta beeli beel kale dulfadhido.

Waxaan kusoo gabagabaynayaa inuu Ilaah natuso xaqqa iyo waxay danteenu ku jirto.

WA BILLAAHI TAWFIIQ



XASAN NUUR SUGULE
AFHAYEENKA URURKA SNF
sugule_45@hotmail.com
11/04/2001



(BAYDHABO PRESS)













 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2010 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement