Return to Index  

SUUQA BAKAARAHA OO MAALINTII SHALAY ALBAABADA LOO XIRAY AMAAN DARO DARTEED

April 12 2001 at 3:58 PM
BAYDHABO PRESS 

 

SUUQA BAKAARAHA OO MAALINTII SHALAY ALBAABADA LOO XIRAY AMAAN DARTEED

MUQDISHO April 12, 2001 9BP)- Magaalda Muqdisho waxaa maanta cirka isku shareeray sarrifka doollarka Maraykanka oo saacdihii duhurnimada gaaray boqolkii dollar ilaa iyo 198500 oo shilin soomaali ah taasoo lagu tilmaamay kor u kacii ugu badnaa oo uu doolarku gaaro taariikhda sarrifka.

Kor u kacaan oo ka dhashay lacagaha been abuurka ee ku soo qul qulaya dalka ayaa waxa uu sababay in maanta albaabada layskugu dhufto suuqa Bakaaraha oo ah halka laga hago ganacsiga Soomaaliya, isla markaasna isku xira suuqyada Bariga Afrika iyo ku Bariga fog.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sii siyaadaya carada shacbka oo iyagu aan la garanaynin waxa ay samayn doonaan, waxaana jirta cabsi wayn oo laga qabo inuu abuuranto caro shacab oo lagu burburiyo goobaha ganacsiga iyo weeraro lagu qaado meelaha ay lacagaha been abuurka yaalaan.



(BAYDHABO PRESS)



 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement