Return to Index  

Wasiirka Arimaha DibaDda ee dalka Sudaan oo Eedeeyay Xukuumada Cusub ee Soomaaliya

April 17 2001 at 7:49 PM
BAYDHABO PRESS 

 

Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Sudaan oo Eedeeyay Xukuumada Cusub ee Soomaaliya

SOMALITALK April 17, 2001-War uu siiyay Wasiirka Arimaha Dibada ee suudaan Saxaafada ayaa ku eedeeyay war aay sii daayeen Madax soomaaliyeed oo aay ku diidan yihiin magacaabida Mr C/raxmaan Cali Numeeyri,iyagoo sheegay in aay ka maqleen warfaafinta,wasiirku wuxuu sheegay in madaxweynaha Sudan oo ah madaxa IGAD ee Xiligaan uu u gudbiyay niyadiisa ah inuu u magacaabayo Mr Numeeyri Ergay nabada Soomaliya ka shaqeeya ,taasoo uu soo dhaweeyay Madax weeynaha soomaliya .Wuxuu wasiirku intaa ku daray in Shirkii madaxda IGAD aay cadeeysay in Sudan uu madax ka noqdo Gudi Dowladaha deriskaa si loo sii dhameeystiro heshiisiinta Soomaalida ee ka bilaabatay Cartaiyo si aay uga shaqeeyso dib u dhiska soomaaliya.

Wuxuu Wasiirku shaaca ka qaaday in Ergeyga Al bashiir uusan tagi doonin Soomaaliya hadii aay xukuumada soomaaliyeed aaysan dooneeyn ineey la kulanto ,asagoo sheegay inaay Ujeedada Sudan aay tahay Ineey ku garab gasho Soomaalida sideey u gaari laaheeyn Midnimo , iyo deganaan , wuxuu ku daray wasiirku in iminka kubado taalo dhinaca Xukuumada soomaaliya ,waana in aay si shaaca (muuqata) u soo dhaweeysaa Ergayga , hadeey dooneeyso Ergayga , markaa uun ayuu u safri doonaa Muqdisho.

Wuxuu wasiirku cadeeyay in Howsha Ergeygu aay tahay mid waqtigeedu uu ku egyahay uun inta Sudan aay hayso Ururka Igad ,wasiirku waxaa uu warfidiyeenka u sheegay in maalmaha fooda inagu soo haysa aay Dowlada Sudan Soo saari doonto bayaan.

SOURCE: HANA
Horn of Africa News Agency


    
This message has been edited by moalen on Apr 17, 2001 7:53 PM


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement