Dalka Somaaliya oo la filaayo in ay ka dhalato Dowlad Federal ah oo loo wada dhanyahay.
BAYDHABO April 21, 2001 (BP)- Dalka Somaaliya ayaa la filaaya in ay ka dhalato Dowlad Federal ah oo loo wada dhanyahay mudada lixda bilood ah ee soo socota. Golaha Dib u dhiska iyo soo celinta Qarankii Somaaliyeed ee dhawaanta lagu soo dhisay dalka Itoobiya ayaa la filayaa in uu soo dhiso Dowlad Somaaliyeed oo Federal ah loona wada dhanyahay. Golahaan ayaa waxaa ku mideysan xubnihii ugu wada muhuimsanaa hoggaami-yayaasha kooxaha Siyaassadda Somaaliya, waana markii ugu horeysay oo ay sameystaan Gole caynkan oo kale ah.
Dhismaha Dowladan cusub ayaa la filayaa in ay ictiraaf ka hesho caalamka, maadaama kooxaha iskubahaystay ay yihiin kuwa dalka faraha ku haya, isla markaana lagu khasbo kooxda Cabdiqaasim in ay ku soo biraan Dowladan cusub ama la kala diro iyada oo loo awood sheegan doono waxaa sidoo kale taageero fiican laga rajeynayaa Dadweeynaha Somaaliyeed oo u badan kuwo jecel in la helo Dawlad Federal ah oo aan cidna lagu xadgudbin.
Dhinaca kale shirkii Golaha Dib u dhiska iyo soo celinta Qaranka Somaaliyeed uga socday magaalada Baydhabo ayaa wuxuu galay maalintiisii afraad, warar aan ka helnay xoghaynta Golaha ayaa sheegaya in uu Goluhu soo saari doono barnaamijkooda wax qabad maalmaha soo socda, waxaa sidoo kale ay ku talo jiraan in xubno ka tirsan Golaha ay socdaal ugu baxaan dalalka daneeya arimaha Somaaliya.
(BAYDHABO PRESS)
This message has been edited by moalen on Apr 21, 2001 9:15 PM
|
|