Go'aanada Golaha Dibuheshiisiinta iyo Dibusoocelinta Soomaaliyeed shirkoodii ugu socdey
(Riverineland) Baydhabo April 23,2001.Warar aan ka soo xiganey Radiyo Baydhabo ayaa sheegaya in Golaha Dibuheshiisiinta iyo Dibusoocelinta Soomaaliyeed shirkoodii ugu socdey Magaalada Baydhabo la soo gabagabeeyey shirkaasi oo mudo lix maalmood ugu socdey ayaa waxaa ay ku gudoon sadeen qodobo dhowr ah ay ka mid yihiin in Lix bilood gudahood ay ku qabtaan Shirweyne laysugu keenaayo Umada Soomaaliyeed oo la damacsan yahay in dibloogu sameeyo Dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay kuna saleysan qaabka Federaalka.
Marwaxlaga weydiiyey qilaafaad la sheegey in xubnaha qaarkood ku dhexmareen howlaha ku saabsan in la mideeyo ciidamada Golahaas iyo in la sameeyo Maamul Gobaleed ayaa af hayeenka Golaha u sheegey Radiyo baydhabo in aan waxba ka jirin aanba laysku soo qaadin waxaa kaloo uu sheegey in Shan iyo Toban maalmood kadib dib laysugu soo laaban doono.
AXDIGA
GOLAHA DIBUHESHIISIINTA IYO DIBUSOOCELINTA SOMAALIEED
Qodobka 1aad
Dhismaha Golaha
Waxaa la dhisey GDDS, Goluhu wuxuu ka kooban yahay Ururada Siyaasadeed iyo maamul-goboleedyada saxiixey Axdigan, Golaha waxaa magacaabayo Urarada Siyaasadeed iyo Maamul-goboleedyada oo goobjoogga ka ahaa Shirka Awassa, Ethiopa.
Xubinnimada GDDS waxay u furan tahay inay ka soo qayb galaan Ururada Siyaasadeed iyo Maamul-goboleedyada kale ee aan goobjooga ahayn oo oggolaada Axdiga.
Qodobka 2aad
Mas'uuliyadda Golaha
Golaha GDDS, waa hay'adda ugu sareysa, mas'uulna ka ah Qaranka Soomaaliyeed ilaa laga gaarayo dib u heshiisiin guud iyo dhismo dawlada Qaran oo loo dhan yahay kuna dhisan Qaabka Federaalka.
Goluhu wuxuu xiriir la yeelanayaa beesha caalamka, wuxuuna ku dhaqmayaa mabaadiida nabad ku wada noolaashaha ee u dhexeesa Dawladaha Adduunweynaha gaar ahaan Dawladaha deriska ah.
Goluhu wuxuu u xilsaaran yahay qabasho shirweyne Qaran oo lagu soo dhiso Dawlad Qaran oo loo dhan yahay.
Qodobka 3aad
Xarunta
Xarunta GDDS waxay noqoneysaa magaalada Baydhabo. si kumeelgaar ah, iyadoo magaalada Muqdisho iyo meeshii kale ee leysla garto noqonayaan Xarumo Hawleed.
Qodobka 4aad
Mabaadiida iyo Himilooyinka Golaha
Mabaadiida iyo himilooyinka GDDS waxay yihiin:
b)-In laa adkeeyo ku dhaqanka Diinta Islaamka,
t)-In si dhab ah loogu hawgalo nabadeynta, dib-u-heshiisiinta iyo mideynta, Qaranka iyo shacbiga Soomaaliyeed,
j)-In la soo celiyo dhaqankii iyo hidihii suubanaa, walaalnimadii iyo wada noolaanshihii shacabiga Soomaaliyeed,
x)-In la dhowro xuquuqda asaasiga ee Muwaadanka Soomaaliyeed iyo tan aadamiga,
kh)-In si wadajir ah looga hortago dagaalada sokeeye, wax kasta iyo cid kasta oo dhalin kara khilaaf iyo iska horimaad shacbiga Soomaaliyeed gudihiisa ah;
d)-In la ilaaliyo midnimada, madaxbanaanida iyo xuduudaha Qaranka Soomaaliyeed,
r)-In Goluhu u hawgalo horumarka dhaqan dhaqaale ee bulshada Soomaaliyeed,
s)-Inuu u hawlgalo qabasho Shirweyne Qaran 6 bilood gudahood, laguna dhisaayo Dowlad Qaran.
Qodobka 5aad
Qaabdhismeedka Golaha
Goluhu wuxuu ka kooban yahay 70 xubnood, wuxuuna yeelanayaa Gudoon ka kooban 5 Xubood, oo shirgudoonkuna yahay wareeg iyo guddi Fulineed oo ka kooban Xoghayaha Koowaad iyo Xoghayeyaal, qeybsiga xubnaha Golaha, Gudoonka, Xoghayaha Koowaad iyo Xoghayayaasha waxaa lagu saleeyey Beelaha Soomaaliyeed iyo tixgelino kale oo gaar ahaaneed xaalada hada jirta awgeed.
Qodobka 6aad
Kalfadhiyada
Goluhu wuxuu yeelanayaa 2 kalfadhi sanadkii, waxaana go'aaminaya isuguna yeeraya Guddoonka Golaha,
Qodobka 7aad
Tiro-sharciyeedka Shirarka iyo Qaabka Codeynta
Shirarka golaha iyo Guddiga Fulinta waxay ku ansaxayaan marka ay 2/3 shirka joogaan, sidii kale waxay gu'aanadiisu ku ansaxayaan cod 2/3 ah.
Qodobka 8aad
Waajibaadka
Guddomiyaha kaltanka ee Guddoonka GDDS wuxuu Hoggaaminayaa isugana yeerayaa shirarka Guddoonka Guddiga Fulinta iyo kalfadhiyada Golaha.
Guddoomiyuhu waa mas'uulka koowaad ee GDDS wuxuuna u xilsaaran yahay fulinta iyo dabagalka go'aanada ay gaaraan Guddoonka, Guddiga Fulinta iyo Kalfadhiyada Golaha.
Xoghayaha Koowaad wuxuu mas,uul ka yahay Fulinta hawlaha Maamulka, Xiriirinta iyo isuduwidda Qaybaha kala duwan ee Maamulka, gaarsiinta go'aanada u yeerista Golaha ee Guddoonka kadib markuu Guddoomiyaha kaltanka amro ama cidii kale ee awoodda Kusimenimada haysa,waxaa kaloo uu mas'uul ka yahay diyaarinta Ajeendada Kalfadhiyada Golaha iyo Guddiga Fulinta wuxuuna leeyahay hagitaanka Hawlaha Xoghayeyaash.
Xoghayeyaasha u xilsaaran Qaybaha kala duwan ee maamulka Golaha waxaa magacaabaya Guddoonka, waxaa xadidaya isla Guddoonka isagoo eegayo hadba baahida jirta.
Qodobka 9aad
Magacaabidda, xil ka qaadista xoghayaha koowaad, xoghayayaasha iyo kuxigeenada xoghayayaasha
xoghayaha koowaad, Xoghayayaasha waxaa magacaabistooda soo jeedinaaya Guddoonka, waxaana ansaxin doona Golaha.
Guddoonka wuxuu magacaabi karaa Xoghaye Kuxigeeno oo kala raacsan Qaybaha kala duwan ee Maamulka.
Guddoonka wuxuu xilka ka qaadi karaa Xoghayaha Koowaad iyo Xoghayayaasha, kadib markey caddaato sababo macquul ah oo la xriira xilgudasho la'aan.
Qodobka 10aad
Guddi hawleedyo gaar ah
Guddoonku wuxuu awood u leeyahay inuu magacaabo Guddi hawleedyo gaar ah oo u xilsaaran wax ka qabashada hadba baahida leysla garto inay jirto, si waafaqsan himilada golaha.
Qodobka 11aad
Xeer hoosaad
Guddoonka GDDS wuxuu u xilsaaran yahay inuu dejiyo Xeer-hoosaad lagu maamulayo hawlaha Shir-guddoonka, Guddiga Fulinta, Guddiyo hawleedka iyo kalfadhiyada Golaha.
Qodobka 12aad
Dhaqangal
Axdiga wuxuu dhaqan galayaa maalinta la saxiixo.
Riverineland
|