Return to Index  

Guddi Dib u heshisiin Qaran oo ay magacawday kooxda Carte ee uu madaxada ka yahay

May 14 2001 at 5:08 PM
BAYDHABO PRESS 

 

Guddi Dib u heshisiin Qaran oo ay magacawday kooxda Carte ee uu madaxada ka yahay Cabdiqaasim
Salaad

MUQDISHO May 14, 2001 (BP)- Maal mahaan dambe ayaa la sheegay in Kooxda Carte waxaa soo
foodsaartay cabsi wayn ka dib markii kooxaha ka soo horjeeda ay qaadeen tilaabooyin muujinaya howl
galadooda ay ugu soo hor jeedan kooxda Carte.

DMK ayaa waxaa ay saartay liis ay ku qoran yihiin shan iyo labaatan qof magacyadooda, kuwaas oo ay ku
sheegeen in ay yihiin Guddi dib u heshisiin qaran, ka dib markii lagu eedeeyay in ay yihiin dad ku fashilmay
arimaha dib u heshisiinta iyo lacago ay ka raadiyaan dibadaha.

Caalamka maanta waxay ogaadeen waxa dhabta ah ee Somaliya gudaheeda ka jira, taas oo kooxda Carte ay
ku wayeen saaxibo markii hore taageersanaa sida: Dowlada Sudan, Yemen iyo kuwa kale.

Dadka ka midka ah Guddigaan qaarkoods ayaa sheegay in ay magacooda ku arkeen jaraaidka lakin ay
arintaan waxba kala socon qaar kale oo ah guddiga la magacaabay waxay sheegen in magacaabida guddi
noocan ah uusan aheen wax sharciga waafaqsan maadama hal dhinac uu ka socdo lagana qayb gelin dadka
iska soo horjeeda oo dhan.

Si kastaba ha ahaate waxaa ay dad badan qabaan oo shegeen in Maamulka C/qaasim uu ku jiro maamlihii
ugu danbeeyay taas oo horay loogu arkay maclinkisii gaar ahaan waqtigii ama maalmihii ugu danbeeyay ee
maamulkii Siyad Barre oo uu magacaabay Guddiyo fara badan oo isdaba joog ahaa sidaas oo kale ayeey
maanta u muuqdaan kooxda Cabdiqaasim.



(BAYDHABO PRESS)

 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement