Ganacstada Dhuxusha Gubta oo soo Dhigtey Deegaanka Barawe Techniko Fara badan
BARAWE May 21, 2001 (BP)-Maalintii Shaleyto ayaa la shegay in dhaliyaro hubeysan ee deegaanka Baraawe ka soo eryeen dadka dhuxusha guba ee bilooyinkaan dambe ciribtirey geedaha deegaankaas.
Sida laga warqabo dad ganacsato oo taageero Kooxda Carta ayaan in muddo ahba ka waday olole lagu cirribtirayo geedaha deegaanka Barawe. Dhalinyaradaas oo u dhalatey dadka deeganka iska leh waxay shegeen in ay qaadan waayeen sida naxriis darada ah ee geedaha loo dhameeyey.
Mar aanu wax ka weydiney arrinta iyada ah waxay noo sheegeen in Xeebta Magaalada Baraawe Dhuxul xad dhaaf ah la keeney si loogu dhoofiyo waddanka Imaaraadka Carabta ee Midoobe, arrintaas oo keentey in deegaanku nabaad guuro. Arrinta eriska ee la soo eriyey waxay keentay in ganacsatada u dhalatay Beesha Habar Gedir (Cayr)ay keensadaan Technikooyin fara badan deegaankaas, si ay uga hortagaan dadka deegaanka oo diidan in dhuxusha la gubo.
Dhalinyarada hubeysan ayaa la sheegay in ay ka soo jeedaan Beelaha shangamas oo loo yaqaano Tunni ee ka tirsan Beelaha Digil iyo Mirifle, waxay ballan qaadeen in ay u dhimanayaan deegaankooda, oo aysan marna ogolaan karin in deegaankooda dhuxul laga gubo.
Arrintaas ayey dad badan ku macneyeen guul weyn oo u soo hooyatey dadka iyo deegaanka Digil iyi Mirifle.
Dadweynaha Digil iyo Mirifle, waxaa laga codsanayaa in ay la socdaan arrintaan xasaasiga ah oo dagaalo cusub keeni doonto.
W.Q. Ahmed S. Ahmed
(BAYDHABO PRESS)
|