Return to Index  

Dagaal RRA iyo maleesiyda DKMG ku dhexmaray degmada Wanle Weyn ee Sh/hoose.

May 28 2001 at 11:56 AM
BAYDHABO PRESS 

 
Dagaal RRA iyo maleesiyda DKMG ku dhexmaray degmada Wanle Weyn ee Sh/hoose.


Habeenimadii xalay ayaa dagaal ku dhexmaray magaalada Wanla Weyn oo 90km u jirta magaalada Muqdisho laba maleeshiyo oo kala taabacsan RRA iyo maleeshiyadii horay u joogtay deegaankaas, weerarka ayaa dhacay habeenkii xalay saacaddu markay ahayd laba iyo tobankii saqda dhexe iyadoo weerarka ay soo qaadeen ciidamada RRA oo magaalada gabi ahaanteedba gacanta kudhigay. Weerarkaas waxaa ku dhintay 6 qof, waxaana ku dhaawacmay 20 kale.
Wararka naga soo gaaraya degmada Buurhakaba ee ka tirsan goblka Bay waxaa ay sheegayaan in Ciidanka qalabka sida ee Ururka Wax iska Caabinta Raxaweeyn (RRA ) gacanta ku dhigeen degmada Wanla Weny ee ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose,ka dib markii uu dagaal aad u qaraar ay isaga horyimaaden iyaga iyo maleeshiyo taabacasan Kooxda Carta oo u badan Beeshe Ceyr.

Wararku waxaa ay inta ku darayan in halkaas ku dhimatay ugu yaraan 10 qof kuna dhaawacantay in ka badan 20 qof. Dagaalkan waxaa uu dhacay xalay saqdii dhexe12:00 habeenimo waqtiga Soomaaliya.

Ciidamada RRA waxaa ay ku guuleysateen in ay halkaas ku gubaan laba gaari oo ku rarnaa rasaas iyo Shidaal ,waxaa kaloo ay halkaas ay ku jajabiyeen raadiyo nooca loo yaqaan fooneeyaha oo markaas maleeshiyada taabacasan Kooxda Carta isku dayayay inay kula xirriraan Muqsidsho si ay u way diistaan gurmad.

Mar qadka taleefoonka lagu weydiiyey Max'ed Aadan Qalinle oo ah Guddoomiyaha Gobolka Baay, wuxuu sheegay in aysan jirin weerar ay ciidankoodu soo qaadeen, wuxuuna xusay in dagaalka halkaa ka dhacay uu dhex maray meeshiyooyinka beelaha Digil oo deegaankaasi u dhashay iyo kuwo kale oo uu xusay in uu hogaaminayey Jen. Max'ed Nuur Galaal.

Maliishiyooyin ka amar qaata kooxda Carte ayaa dorraad degay garoonka Ballidoogle iyo tuulada Leego.

"Jen. Galaal ayaa ka shaqeynaya dagaalada ka dhacaya W/weyn isaga ayaana iska horkeenaya ciidamada halkaa difaaca kaga jira" ayuu yiri Qalinle oo caddeeyey in intii in muddo ahaydba ay is hor fadhiyeen labada ciidan wax dhibaato ahna aysan dhex mari jirin, hase ahaatee ciidamo cusub oo hadda la keenay ayuu sheegay in ay dhaqdhaqaaq dagaal bilaabeen.

Dagaalka Wanleweyn wuxuu salka ku hayaa qorshe ay kooxda Carte ku dooneyso inay sii xoojiso deeganada xaq darada lagu heysto oo ay ka mid tahay Shabeelada Hoose.


Source: Arlaadinet







 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement