WASIIRRO IYO XILDHIBAANO KA BAXSADAY MASJID AY KU TUKAN LAHAAYEN SALAADII JIMCAHA
mic-18-06-2001, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan dowladda KMG ah ayaa Jimcihii hore (14/06/2001) ka baxsaday Masjidka Shariif Muxsin ee Degmada Shibbis oo ay ku tukan lahaayeen Salaaddii Jimcaha, kadib markii ay arkeen Xaaji Muuse Suudi oo ku dhex jira Masjidka si uu ugu tukado.
Iridda Masjidka ee soo xigta Waddada ayey isku jiireen Xildhibaannada iyo Wasiirrada oo u badnaa kuwo ka yimid Dalka dibaddiisa.
Xaaji Muuse oo arrintaas aan wax ka weydiiyey ayaa ii sheegay inuu aad uga xun yahay fulaynimada kuwaas ku kaliftay iney xitaa isku aamini waayaan Guriga Illaah (Masjidka).
Wuxuu kaloo sheegay Xaajiga in aysan jirin wax u diidaya inuu ku tukado Masjidyada ku yaal deegaannada ay dadkiisu degan yihiin, wuxuuna intaas raaciyay inuu Rabbigiis ku baryi karo hadba masjidkii uu doono. midnimo.com
|