Return to Index  

Maqaalka Sheequl-Kuli uu kaga hadlay. yaa iska leh gobolka shabeelaha hoose

June 19 2001 at 9:51 AM
BAYDHABO PRESS 

 
Maqaalka Sheequl-Kuli uu kaga hadlay. yaa iska leh gobolka shabeelaha hoose

Anigoo ah aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa waxaan jeclaan lahaa inaan cabiro fikradayda ku wajahan xal u helida arinta gaamiirtey ee Soomaaliya.

Intaan bal u guda gelin maqaalkayga, ayaa waxaan jeclaan lahaa inaan u qaybiyo sidan soo socota.

1-Maxaa, amaba yaa hor-taagan nabad waarta oo ka dhalata Soomaaliya?

2-Yaa iska leh Gobolka Shabeelaha Hoose? Yaa xoog ku haysta? Yaa u baahan in laga xoreeyo? Yaa hortaagan Xorayntiisa? Goormuuna Xoroobi doonaa?

3-Nadaam ama sharci noocee ah ayaa ku haboon in lagu maamulo Soomaaliya?

Haddaba aniga oo doonayo inaan si gooni gooni uga hadlo qodobbadaan aan kor ku soo sheegay, ayaa haddana waxaan jeclaan lahaa inaan u kala hormariyo sida ay akhristayaasha beejkaan igasoo codsadeen, kaas oo ah arinta hadda taagan ee ka jirta Gobolka Shabeelaha Hoose.

Marka aan ku bilaabo qodobka yaa iska leh Gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaan jeclahay in akhristayaasha boggan ay uga munaaqashoodaan arimahan si waadax ah, balse ay rag iska riix-nimo ay runta u nicin.

Sideebada, wax walba oo la sheego, amaba meel walba oo la sheego waxay ka turjumaan wixii asalkooda ah kaas oo ay u bixiyeen dadkii iska lahaa, qofkii iska lahaa, amaba kambanigii iska leh.

Sidaas s ila mid ah, meel walba oo aduunyada ka tirsan ha ahaato jees, tuulo, degmo, gobol, dal, iyo qaaradba ay ku magacaaban yihiin, amaba ay iska leeyihiin dadkii meeshaas iska lahaa.

Tusaale ahaan, marka aan maqalno Pakistaan, waxaa maskaxdeena durbadiiba ku soo dhacaaya qaaradda ay ku taalo oo ah Eeshiya, ayna iska leehiyiin dad Bakistaaniyiin ah, kuna hadla luqadda urduuga, diintooduna tahay Muslin.

Sidoo kale hadaan maqalno Italy, ama Talyaaniga, waxaa sidoo kale durbadiiba horteena imaanaya inuu yahay waddan ka tirsan Qaaradda yurub, ayna iska leeyihiin dad talyaani ah, kuna hadla luqadda talyaaniga.

Balse, markii hoos loo daadego ayaa isla dadka Talyaaniga ah oo iska leh waddanka ay haddana kala leeyihiin, ayagoo u kala degan gobollo. Qof walba oo talyaani ahna uu ogyahay gobolkii uu ku dhashay uuna ku magacaabanyahay.Tan mid la mid ayaa waxaan la barbar dhigi karnaa Soomaaliya.

Hadii aan maqalno Galguduud waxaa durbadiiba, xilli colaadeed amaba nabadeed maskaxdeena ku soo dhacaya inay wada leeyihiin Murusade, Duduble, Habargidir, Mareexaan, iyo Abgaal;

-Garbahaareey waxaa horteena imaanaya Gasaargude iyo Mareexaan;

-Gaalkacyo waxaa horteena imaanaya Majeerteen iyo Habargidir iyo qabiilo kale;

- Hiiraan waxaa horteena imaanay Xawaadle, Makanne, Baadicadde iyo Gaaljecel iwm.; -Banaadir waxaa horteena imaanaya Reer-Xamar iyo Abgaal; Sidaas si la mid ah ayaa markii la sheego Shabeelaha hoose degmooyinkiisa ay maskaxdeenu ku soo dhacayso dadka iska leh oo kala ah Kaluumaysato sida Reer-Marko iyo Reer-Baraawe; Beeralay Digil iyo Jareer Wayne; iyo Xoolalay oo ah isla qabiilo ka tirsan digilka sida Jiido, Tunni, Garre, Shanta-caleemood.

Hadaan wax ka xusno degmooyinka Gobolka ayaa waxaa isla markiiba aan xasuusan karnaa qabiila degan. Marko cadeey waxaa na hor imaanaya inay iska leeyihiin Gibil-cad, iyo Biimaal; Baraawe inay iska leeyihiin gibil-cad baraawe iyo Tunni; Qoryooleey Jiido iyo Garre; Awdheegle Begedi; Wanla-wayn Shanta-Caleemood; Afgooye Geledi.

Haddaba ayadoo dhabtii ay sidaan tahay. ruux walba oo runta ogolna uu sidan u kala ogyahay in dhulka loo kala leeyahay, sidan aan kor kusoo sheegay, ayaa haddana waxaa jira dad iska indha tiraya runta oo raba inay sheegtaan dhul ay goor dhow kusoo qexeen amaba xoog ku qabsadeen.

Tusaale ahaan, Soomaalida qoxootiga ah ee ku nool waddanka Holland ayaa gobollada qaarkood ay uga badanyihiin dadka Dhajka ah ee iska leh waddanka. Haddana dadka Soomalida meesha ku nool marna masheegan karaan inay iska leeyihiin gobollada ay ka degan yihiin waddankaas. Maxaa dhacay, tuulada ama degmada ay deganyihiin waxay wadataa magac dhac ah oo ay u baxsadeen dadkii dhajka ahaa ee markaas deganaa waddanka.

Sidaas si la mid ah ayaa dadka Soomaalida ah ee usoo qaxay gobolka, amaba xooga ku qabsaday ay marna u sheegan Karin inay iska leeyihiin. Maxaa dhacay waxaa markhaati fudud ah magacyada ay wataan tuulooyinka gobolka sida Mushaani, Wanle, Marka-cadeey minin-aw-cusmaan, Bariire, Ali-fuutoow, Waagaade, Gaalawer.
Haddaba hadii ay run sheegayaan dadka xooga ku haysta gobolka, ayna yihiin kuwa iska leh amaba deganaa waqti badan ay ugu baxsan waayeen magacyadii gobolladooda amaba degmooyinkooda sida Budbud, Dhuusamareeb, Gallaadi, Mareeg, Matabaan IWM.

Waa jirtaa in qoxooti badan ay gobolka deganyihiin, ha ahaadeen kuwo xoog ku degan amaba kuwo nabad ku degan. Balse runtii uu qof walba oo qoxooti ku ah gobolka ogyahay meeshuu ka yimid iyo goortuu yimid.

Hadii uu diido inuu nabad ku joogana ay taariikhdu xusi doonto meesheey ku dambeeyso arintooda. Dhulna ninkiisaa iska ka leh sida ay fanaannad Soomaaliyeed hore u tiri.

Haddaba anoo soo gaaray dhamaadkii qeebtii hore ee maqaalkayga ayaa waxaan jeclaan lahaa inaan maqaalkayga halkaan ku joojiyo anigoo dib uga sii wadi doona halkaan.

Maqaalkayga kale ee soo socda wuxuu ka bilaabandoonaa maxaa cadaynaya in dadaka qaarna yihiin kuwa iska leh, kuwa kalena yihiin qoxooti nabad amaba xoog ku jooga Gobolka.

W.Q : Sheequl-Kuli, Bakaaraha, Muqdisho.
Radio maymaay ee Atlanta


(BAYDHABO PRESS)


    
This message has been edited by moalen on Jun 19, 2001 9:53 AM


 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement