Return to Index  

MAALMIHII UGU DAMBEEYAY EE DOWLADDA KU MEEL GAARKA AH EE CALI KHALIIF!!

June 22 2001 at 12:05 PM
BAYDHABO PRESS 

MAALMIHII UGU DAMBEEYAY EE DOWLADDA KU MEEL GAARKA AH EE CALI KHALIIF!!

mic-21-06-2001, Dowladda Cali Khaliif ee sagaal Bilood jirka ah waxaa ku soo fool leh mushkilado ad adag ee aysan ka bixi karin una muuqata inay u keeni karto burbur kama dambeys ah; xubnaha Golaha Wasiirada qaarkood ayaa laba laba isugu dheggan kolkii ay is dhex gashay shaqadii ay u xilsaarnaayeen, qaar ka tirsan Wasiirada oo ay ku jiraan kuwo magac leh ayaa fariisin ka dhigtay xarunta C/qaasim kuwaasoo aan marna soo xaadirin kalfadhiyada Golaha Wasiirada.

Barnaamijyadii dowladda ee nabadgelyada G/Banaadir waxaa cakiray iska hor imaad ballaaran oo dhex maray Wasiirka arrimaha Gudaha, maamulka G/Banaadir, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo kan qeybaha G/Banaadir, waxaa kaloo isku dheggan Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe. Mushkiladaha heysta Cali Khaliif waxaa uga sii daray doodii kululeyd ee Baarlamaanka laga soo jeediyay ee dowladda lagula xisaabtamayay taasoo aysan dowladdu jawaabo macquul ah ka bixin.
R.Wasaaraha DKMG Cali KH. Galeyr

Gantaalkii ugu cuslaa dowladda Cali Khaliif wuxuu kaga yimid dib u heshiisiinta ay ku baaqday dowladda Itoobiya, kaasoo malaha u gogol xaaraya burburkeeda, hindisaha cusub waxaa aqbalay sida warar xogogaal ah tibaaxayaan Madaxweyne C/qaasim iyo Wasiirada ka fallaagoobay dowladda Cali Khaliif oo ay ka mid yihiin: Wasiirada: Arrimaha dibadda, Maaliyadda, Gaashaandhigga, Macdanta iyo Biyaha iyo Gaadiidka, hindisaha wuxuu tibaaxayaa in la kala diro dowladda Cali Khaliif laguna soo daro dowladda cusub kooxaha mucaaradka ah ee diidan dib u heshiisiintii Carta.

Cali Khaliif isagoo careysan ayuu Khamiistii dhaliil ba'an u soo jeediyay qaar ka tirsan wafdigii dowladda KMG ah u dirtay Itoobiya, "Waxaa wafdiga ku jira qaar doonaya inay u galliimaan Itoobiyaanka" ayuu yiri Cali Khaliif oo intaa raaciyay in Soomaaliya aanay ogolaan doonin wax ay Itoobiyaanka dusha uga keento.

Dad badan ayay la tahay in guul darrada la soo gudboonaatay dowladda Cali Khaliif ay ugu wacan tahay isagoo isku koobay dhammaanba howlihii ay u xilsaarnaayeen Golihiisa Wasiirada iyo colaada xad dhaafka ah ee uu u hayo dowladda weyn ee aan deriska nahay ee Itoobiya, taasoo ay sheegeen inaan loo baahneyn in dowladda KMG ah ee curdanka ahi inay waqti badan isaga lumiso cadownimada ay Soomaalida u qabaan Itoobiya, dhanka kale Cali Khaliif waxaa lagu dhaliilaa inaanu aqoon u lahayn loolanka siyaasadeed ee u dhaxeeya kooxaha iyo qabaa'ilada ku hareereysan iyo kuwa ka soo horjeeda intaba, taasoo ay ugu wacan tahay mudadii dheereyd ee uu dalka Mareykanka ku maqnaa. midnimo.com

 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2010 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement