Wargeyska Reeghay Times oo loo qiray in uu yahay wargeyska kowaad ee wargeysayda dalka Somaaliya
BAYDHABO July 5, 2001 (BP)-Wargeyska REEGHAY TIMES oo ah wargeys ka soo baxa magalada BAYDHABO ee dalka Somaliya ayaa la sheegay in uu noqday wargeyska kowaad ee wargeysayda ku soo baxa afka Somaaliga MAXAATIRI IYO MAAY labadaba.
Warbixin ay noo soo gudbiyeen dhalinyaro sheegay in ay daraasad ka diyaarinayaan wargeysayda Somaaliyeed ayey ku shegeen in akhristayaasha Somaaliyeed ee xiiseyo wargeyska REEGHAY TIMES ay ka badanyihiin kuwo kale ee akhrista wargeysayda la midka ah.
Waxay kale oo shegeen in Arday Somaaliyeed oo muddo todobaad ah loo bandhigay in ay akhriyaan 10 wargeys oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee Somaaliya ay ugu danbeyntii natijadu noqotay 10 kii 5 Wargeyska REEGHAY TIMES 5 ta kalena ay midkiiba hal hal u kala qaateen wargeysyo ay ka mid yihiin Xog-ogaal iyo SAHAN oo ka soo baxa Somaaliya.
Wargeyska REEGHAY TIMES oo jiray mudo aad u yar ayaa hadana la sheegay in uu kasbaday akhristayaal aad u badan oo ka akhrista gudaha dalka Somaaliya iyo kuwo kala socda shabakada Internetka, waxaa wargeyska lagu amaanay in uu isticmaalo habab kala duwan oo xiiso leh oo uu wax ugu gudbiyio akhristayaasha isaga oo isticmaalaya luqad faneed fudud oo hadana aad u sareysa oo uu kaga duawanyahay wargeysayda la midka ah ee ka soo baxa Somaaliya.
(BAYDHABO PRESS)
|