Golaha SRRC oo qabsaday magaaloyinka Jilib iyo Kansuuma ee gobalada J. dhexe iyo J. hoose.
Riverineland. kansuuma. Aug 03,2001. 11:00AM. Mar aan maanta kula xiriirney khadka Setelaydka Magaalada Kansuuma, Guddoomiyaha K/1 aad ee RRA, Mudd. Sheekh Aadan Madoobe wuxuu sheegey in ay shaleyto subax 7:00 AM, ay qabsadeen Magaalada Jillib, ayna kadileen 16 ruux Kooxda Carto, dhaawac fara badana ay u geesteen, Mas'uuliyiin Sarsarena ay ka qabsadeen dhinaca SRRC, dana waxaa kaga dhimatey 2-ruux, 9 ruuxna dhaawac kadibna ay usii gudbeen xaga Kismaayo hadana waxay noo sheegeen meesha ay ka hadlayaan ay tahay Buundada Kansuuma.
Mudd. Sheekh Aadan wuxuu si kulul u canbaareeyey Laanta Afsoomaaliga BBC London iyo kuwa ka soo warama Xamar oo uu ku sheegey iney yihiin dad u shaqeeya Kooxda Carta, wuxuuna uu sheegey in ay tahay BBC meel soomaaliyo dhan kawada dhaxeyso aysan lahayn qolo gooni ah, ayna noqdaan dhexdhexaad kana hadlaan xaqiiqda jirta.
Sh/Hoose, wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in RRA, ay hada ku sugan tahay meel u jirta 10.KM, Magaalada Baraawe, ayagoo ku sii jeeda magaalada Marka.
Gedo, ciidimo lixaad leh ayaa gaarey Magaalooyinka Baardheere iyo Luuq, si ay usugaan labadaas Magaalo oo laga soo sheegey in ay ka bilowdeen dhaqdhaqaaq la doonayo in looga gurmado kooxda Carta ee heysata Magaalada Kismaayo.
Leego, warar aan ka helney hogaanka sare RRA, ayaa waxay sheegayaan in ciidan uu horkacayo Co/. xasan Max,ed Nuur (Shaatigaduud) ay tageen shaley galab Leego, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka RRA, Col/ Axmadeey Cumurow, oo u sheegey in ay diyaar u yihiin xoog kastoo kaga yimaada dhinaca Xamar, oo baryahaanba soo dhoobey ciidamo iyo Tikniko farabadan Kooxda carta oo sheeganeysa dowlad Soomaaliyeed oo ah koox isbahaysatey rabtana iney gumaadaan dadka masaakiinta ah,oo hadana markale soo sameysateen Lacag been abuur ah.
SOURCE. RIVERINELAND
|