Return to Index  

Ganacsade Caan ahaa oo u dhashay beesha Tunni oo lagu dilay Degmada Barawe

August 8 2001 at 9:27 AM
BAYDHABO PRESS 

 

Ganacsade Caan ahaa oo u dhashay beesha Tunni oo lagu dilay Degmada Barawe


Habeenimadii Isniinta ayaa magaalada Baraawe lagu dilay ganacsade caan ah oo lagu magacaabo Unaa Maxamed Cali, kaasoo ay weerar ku soo qaadeen dabley ka tirsan maleeshiyooyin dhowaan la geeyey deegaanka oo ka socda kooxda Carta.

Ganacsadaha ayaa la sheegay in loo dilayay aano qabiil, isagoo sida la sheegay in uu ka soo jeeday beesha Tunni oo dhowaantan dhaqdhaqaaq milateri ka wadday deegaanka Baraawe. Ganacsadaha oo markii xabbada lagu dhuftay dhaawiciisa loo soo qaaday dhanka degmada Marka ayaa ku geeriyooday meel 30km, waxaana lagu celiyey magaalada Baraawe markii uu baabuurku ku dhowaaday Imbareeso ayay miino la qaraxday, waxaana ku dhintay Abuu Zeyna Maxamed Cali oo ahaa walaalkiis ka yar iyo darawalkii baabuurka, waxaana ku dhaawacmay shan nin oo uu ka mid ahaa nin lagu magacaabo Abba Sheekh Cali Sheekh Diini oo isaga lug kaga go'day miinadaas.

Maalmahaan in ka badan 8 qof ayaa ku dhimatay tiro labaatameeyo ah ayaa ku dhaawacantay kadib markii miinooyin si is daba joog ah ugu qarxeen lix baabuur inta u dhexeysa Baraawe iyo Marin Gubaay.

Miinooyinkan oo welwel iyo cabsi badan abuuray ayaa hakiyey isu socodkii gaadiidka Muqdisho iyo Baraawe, lama garanayo sababta keentay balse waxaa jira fikrado is bar bar socda oo midi sheegeyso in ay ka dambeeyeen golaha SRRC Warka kale ayaa sheegaya in ay deegaankaasi miineeyeen isbaheysiga Dooxada Jubba iyo kooxda Carta oo ka cabsi qaba weeraro kaga yimaada dadka deegaanka iyo Golaha SRRC oo iyaga la dagaalamaya illaa iyo haatan lama hayo warar madaxbanaan.

Baabuurta ku gubatay miinooyinka ayaa kala ah 2 Toyota 4WD oo tikniko ah iyo saddex ka mid ah nooca loo yaqaano Mini bus ama caasi iyo baabuur Seyjante ah oo waday qudaar. Waddada u dhexeysa Baraawe iyo Imbareeso ayaa iyadana u go'day sabab miino


(BAYDHABO PRESS)










 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement