Return to Index  

Warar aan ka helney Hogaanka sare SRRC iyo wararkii u danbeyay ee dagaalka Kismayo

August 8 2001 at 9:51 AM
BAYDHABO PRESS 

 

Warar aan ka helney Hogaanka sare ee SRRC iyo wararkii u danbeyay ee dagaalka Kismayo

Riverineland.Kismaanyo. Aug 08,2001. 14:24. warar aan ka helney Hogaanka sare SRRC, waxay sheegayaan in ay habdagaal ugaga soo bexeen Kismaanyo shaleyto hadana ay ku sugan yihiin meel ujirta kismaayo 10-KM, ayna wada haystaan Magaalooyinka Jilib, Jamaame iyo Kansuuma kuwa Dooxada galgaduud & Cartana ay haystaan oo kaliya magaalada Kismaanyo, halkaasina ay go,doon ku yihiin waqtiyada ugu dhowna ay ku noqondoonaan, mana jiraan waxyaabihii laga sheegey BBC Laanta Af-Soomaaliaga oo uu soo tabiyey Xasan Bariise Muqdisho.

Baydhabo.17:20 PM Saacada Afrikada Bari, Galibnimadaan ayaan waxaan ka helney E-mail Xafiiska Md. Xasan Moxamed Nuur [Shaati gaduud.] waxaana na soo direy Xohayntiisa Gaarka Mud. Xasan Mad Idiris wuxuuna noo sheegey in magaaladu ay degen tahay ganacsiguna uu si caadi ah u socdo, qadadkii isgaarsiinta oo kaliya ay u maqan yihiin sababo dagaal aawadiis iyada oo hoggaamiye kooxedka Carta uu xamar ka soo dirtey kuwa magac Dowlad huwan ayna kala yihiin qabiilada Habargidir [Ceyr], Murursade, iyo Abgaal jufada Daahir Dayax iyo kuwa kale, ayna hada ku sugan yihiin agagaarka Baldoogle.

wuxuu kaloo sheegey in ay u direen gurmad xoogan oo gaaraya ilaa 2000 oo ciidan, Jubooyinka si loo dhameystiro inta harsan dhinaca Sh/Hoosena ay u direen 1500 oo ciiddan ah, waxaa kal oo jira ciiddan dhan 2000.00 oo u dhashay Beelaha Tuuni oo tababar u joogey Degamada Baarey in ay soo geli donaan maalmaha soo socda oo ay iyagana soo afjaridoona qebaha ka harsan, gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaa nawaaxiga Baraawe. wixii soo kordhana dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.......



(BAYDHABO PRESS)



 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement