Return to Index  

Tabaha ay adeegsanayaan Isbaheysiga Cayr iyo Mareexaan Dagaalada Jubooyinka

August 11 2001 at 1:36 PM
BAYDHABO PRESS 

 

Tabaha ay adeegsanayaan Isbaheysiga Cayr iyo Mareexaan Dagaalada Jubooyinka

BARAAWE April 11,2001 (BP)-Wareysi lala yeeshay dadka dagaanka u dhashay ee ka soo qaxay dagaalada ee ku sugan nawaaxiga Baraawe aya waxa ay shegeen in Is-baheysiga heysta Kismaayo intii u ku jiray abaaulka dagaalka ay hadda kula jiraan kooxdda SRRC ay beelha degaanka ku sameeyeen jid gooyo lagu qafaalayo dhaliyarada iyo baadiyaha beelaha Tuuni, Bagadi, Geladi, Jiido, Shikhaal, Biyomaaal, Galjecel, Jareer Weyn iyo Cawramal oo la soo raafay xoolo dhaqato iyo beeraley. Waxa lagu qiyaasay dadka la raafay in ay tiradodu gaareyso ila 2500 qof.

Waxa ay ku andacodeen in qaranku u bahanyahay dhismo ciidan military, iyo mid Boolis oo arrintaas loo tabobarayo.

Waxa dadkan la soo qafaalay la isugu keenay Sadhigii hore ee dugsigii ciidanka circa intaan loo soo taxaaabin Bu’aale iyo nawaaxiga Jilib Waxa ay wararku sheegayaan in dhimasho badan iyo dhaawacba soo gaaray dhalinyaraddas oo intooda badan ay waxyeeladu ka soo gaartay xabadihii cidamada rasmiga ah ee Serrar iyo Barre Hiraale ay dhabarka uga furayeen si ay ugu qasbaan in ay u noqdaan gabaad.


By Sirta Culus A107 report


(BAYDHABO PRESS)



 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement