Return to Index  

Ciidamadda SRRC iyo kuwa kooxda Carta oo uu dagaal ku dhex marayo gobolka Sh. Hoose.

August 14 2001 at 3:15 PM
BAYDHABO PRESS 

 

Ciidamadda SRRC iyo kuwa kooxda Carta oo uu dagaal ku dhex marayo gobolka Sh. Hoose.

Qoryooley August 14, 2001(BP)-Dagaal culus ayaa maalintii labaad ka socda tuulooyin ka tirsan gobolka sh/hoose, kaas oo u dhexeeya ciidamadda SRRC iyo kuwa kooxda Carta.

Dagaalka ayaa la xaqiijiyey inuu billowday shalay, iyada oo ciidamadda SRRC ay u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan tuulooyin ay ka mid yihiin Farsooley, Hantiwadaag, iyo Tawakal oo ka kala tirsan degmada Qoryooley iyo beesha Jannaale.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in uu dagaalku ka socdo tuulada Dhagwariiri oo saddex km u jirta Jannaale, dad ku dhow goobta uu dagaalku ka socdo ayaa sheegay in rasaasta labadaas koox ay iswedaarsanayeen laga maqlayey tuulooyinka u dhow Dhegwariiri, sidoo kalena waxay xaqiijiyeen in halkaas u gudubtay tekniko fara badan oo ka koobneyd maxkamadaha Islaamiga ah ee beelaha Cayr, Duduble iyo Saleebaan, kuwaas oo kaashanaya hub iyo tekniko ay ku buufsan tahay astaanta lagu yaqaan baabuurta dagaalka ee kooxda Carta.

Dhimashada iyo dhaawaca uu geystay dagaalkaas ayaan si rasmi ah weli loo hayn, waxayna wararku intaas raaciyeen in dorraad ciidamo SRRC ah oo uu hoggaaminayey Korneyl Mukhtaar Munye(Ma naxe ) ay mardaaf ( Qumbaha biyaha laga cabbo ) ka cabbeen goobta lagu magacaabo kabtan laas, wuxuuna halkaas ku gacan qaaday dad rakaab ahaan u saarnaa gaari xaajiyad ah oo ka yimid deegaanka Shalambood kuna sii jeeday Qoryooley, kadibna wuxuu u sheegay inay yihiin xoogagga SRRC. midnimo.com


(BAYDHABO PRESS)

 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement