Return to Index  

Somaliland: Muxuu Waran-Cade uga walaacay Cabiqaasim Salaad?.....

August 18 2001 at 6:37 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Somaliland: Muxuu Waran-Cade uga walaacay Cabiqaasim Salaad?.....


Dhawaan Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland, Warancade, wuxuu sheegay sida ay SomaliLand uga walaacsantahay, Cabdiqassim oo dib usoo Nooleeyay, Generaaladii Hore ee Siyad Bare, ee Burburiyay Degaanka iyo Shacabka Reer Somalialand. Arrimaha ay Helleen Laanta Sirdoonka ee Somaliland ayaana ka danbaysay inuu Warancade iyo Xukuumada Somaliland ay aad uga walbahaaran Sirta ay heleen.

Cabdiqaasim wuxuu Siiyay General Axmed warse, Shillin Somali dhan 270,000,000 , wakhtigaasi oo General Ahmed Warsame ugu horeysay imaatinka Xamar. Isafgaradkaa waxay isla meel dhigeen inuu Gen. Taageero, Abdulqassim isaga iyo Ciidamadiisu. Xilligaasi oo Genanku ubalanqaaday C/qaassim, hadii ilmaadeeradiis(Habargidir), uu ka waayo inay maamulkiisa DKM, martigaliyaan; inuu diyaar ulayahay Magaalada Kismayo.

General Ahmed warssame, issaga oo ucadaynaya, in aysan waxba iska baddalin balantii, wuxuu soo xerro-galliyay General Gaani iyo General Abdiaziz Barre(Taliyihii Hore ee Qaybta Burco 1988), haatana ah taliyaha Ciidanka Gurmadka ee Abdiqassim.

Islamrkaa Abdiqaasim wuxuu siiyay General Gaani Bishii Feb, 2001, lacag udhiganta $53, 211.50 centi; Lacagtan oo katimid Shillin somaligii Ina-Deelaaf usoo daabacay A/qaasim.


Maxaa Cigaal Jagada Uga qaaday Ina-Warancade

Shir Qarsoodi ah, oo uu layeeshay xubnaha Gollahiisa wasiirada ee Ina-Cigaal, kuna jiray Ina-warancade, ayuu Cigaal kuyidhi "CabdiQasim Dhaqan iyo dhalasho, waa nin Cayr/Mareexaan ah". Waxaa waydiiyay Ina-Warancade, sababta uu sidaa uyidhi, inuu usharxo; waxaase uu yidhi, afkayga laga maqli maayo sababta c/qassim ku noqday dhalasho iyo dhiig cayr/mareexaan "Ina -Cigaal ayaa yidhi", ee idinku raadsada.

Waxaa Hadaba Arrinkii, magaalada Hargeysa Lagaliyay inuu "ina warancade kadhex yidhi" fadhiyo hadallo arrimaasi uu Cigaal sheegay ku sii balbalaadhiyay sheekadii sirta ahayd, taasi oo ka xanaajisay Ibrahim Cigaal, go'aana qaatay inuu ka qaado Jagada Wasaarada Warfaafinta.




By: Cosoble , Xamar
Sirta Culus @Augst/2001
By Sirta Culus A108 report



 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2010 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement