Return to Index  

Ayaamaha Press oo noqday xabad ku soo dhaceysa Qowmiyadda Digil iyo Mirifle.

August 21 2001 at 11:43 AM
Siciid Xaaji 

 

Ayaamaha Press oo noqday xabad ku soo dhaceysa Qowmiyadda Digil iyo Mirifle. by Siciid Xaaji

Waa wax lala yaabo poga Web Ayaamahapress inuu cadowtinimo gaar ah u haayo Qowmiyadda Digil iyo Mirifle ma ahan markii ugu horeysey oo wax aan jirin uu pogaas ka qoro degaanada digil iyo Mirifle, hadaba waxaan waydiinayaa Qoroyaasha Cadowtimo intee le,eg ayey u hayaan RRA, mise ogyihiin Dadakan dhaqankooda inuu ka duuwan yahay dadyowga kale ee Soomaaliyeed, ayaamaha waxaan u aqoonsanahay Jabhad xabad ku soo tuureysa Qowmiyadda Digil iyo Mirifle.

Hase ahaatee waxaan leeyahay Ayaamahapress haka digtoonaadeen wax yaalaha lagu qoslo ee wax u dhimaya sumcadooda qoraal waa gooni hadii Kooxda Carta Maalgeliso taasi ka soo qaad malaha.

Soomaalida waxay tiraahdaa (warlaqabo xiiso maleh) warkii carta waa iska caadi Carta naftii ayaa ka socota marka waad taqaaniin Qof haduu nafbaxayo rafashadiisa.

RRA ma ahan mid lagu kala daadin karo hadal iyo warqad la qoro RRA waxay ku dhisantay xanuun badan oo soo gaaray weli waxaa u muuqda Darxumadii wax yaabihii foosha xumaa ee aad geysateen. marnaba lagama yaabo sida aad dooneysaan iney wax u dhacaan hana ku daalinina.



W.Q. Siciid Xaaji


[BAYDHABO PRESS]






 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement