Return to Index  

Cabdiqaasim Salaad oo Madax ka ah labo dowladood oo Mataano ah iskuna fikrad ahayn iskana warqabin.

August 25 2001 at 4:46 PM
BAYDHABO PRESS 

 
Cabdiqaasim Salaad oo Madax ka ah labo dowladood oo Mataano ah iskuna fikrad ahayn iskana warqabin.


Somali Action Group August 23, 2001-Kooxda fulinta: waa urur qarsoodi ah oo loogu talagaley dardargelinta Barnaamijyada C/qaasim oo isugu jira Ganacsatada waaweyn ee Mogdishu, Idaacada Warbaahinta Mogdishu iyo BBC, Ururka Maxkamadaha Islamiga iyo Saraakiisha Jifada C/qaasim Salaad.

Himilada staraatiijiyadeed ee Kooxda fulinta waa mid aad u baaxad weyn oo aan meeshatan lagu soo koobi karin waana meesha laga hirgeliyo guudahaan howlaha C/qaasim damacsanyahay. Sida kooxda Carta ayaa kooxdani waxaa madax ka ah C/qaasim Salaad. Haddii la is barbar dhigana labada Kooxdood Kooxdan ayaa ka awood balaaran hadii ay noqon lahayd xagga Dhaqaale,Ciidan iyo iyagoo la wadaaga C/qaasim arrimaha Somaaliya hadda ka jira magac ahaanse waxaa ka magac weyn Kooxda Carta.

Kooxdan Fulinta oo huwan sida Magacyada: Guddigga nabadgelyada, Maxkamadaha Islaamiga,Ganacsatada Soomaaliyeed, Ciidanka qalabka sida ee soomaaliyeed, ururka Dhalinyarada Somaaliyeed iyo ururo kaloo badan. Baaxada Dhaqaalaha ee Kooxdani ku fadhido iyo guulaha ay doonayaan in ay ka gaaraan arrimaha isku murugsan ee maanta Somaaliya ka taagan ayaa iyana ah mid laga soo shaqeeyey tobankii Sano ee ina soo dhaafey.

Kooxdani oo markii horeyba door fiican ka soo qaadatey dagaaladii sokeeye ee somaaliya qabsatayna Dhulal badan, dadkii lahaana laga barkiciyey dhaxashayna hanti aad iyo aad u fara badan oo aan la qiyaasi karin hadii ay noqon lahayd mid Qaran iyo dadba, Lacaga been abuurna soo geliya wadanka goortii ay doonaan.

Kooxdan oo la unkey ka hor intii aan la qaban shirkii Carta ujeedada laga lahaana ay ahayd tan hore sidii ay u xakameyn lahaayeen ama ay gacanta ugu dhigi lahaayeen guud ahaan Dhaqaalaha Somaaliya iyo Deegaannada ugu muhiimsan. Haddaba si arrintani loo hirgeliyo ayaa la abuurey Maleeshiyo tiro badan oo ilaaliya danahooda gaarka. Maleeshiyadan ayaa markii la doono loogu yeeraa Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed hadii aysan fulinaynin danahooda gaarka ah. Dhanka kale Maleeshiyadan ayaa lagu naasnuujiyaa Raashinka deeq ahaanta soomaaliya loo soo siiyo iyo mushhaaro Lacageed oo aad u badan oo iyana deeqda Soomaaliya ay aduunweynaha ka hesho..

Wejiga labaadna waxa uu yahay in Kooxdani noqoto halka laga hago Siyaasada Somaaliya.Si taani u taabagasho ayaa waxay go'aansadeen in ay gacanta ku dhigaan dhammaan Ilaha Dhaqaalaha Wadanka sida: Lacagaha, Ganacsiga, Warbaahinta, Isgaarsiinta iyo Beeraha. Ujeedada laga leeyahay talaabadani ayaa waxay tahay in ay dhidibada u aasaan Siyaasad amar ku taaglayn ah iyo sidii quwad walba oo mustaqbilka soo food saarta ay isaga caabin lahaayeen iyagoo adeegsanaya Dhaqaale taasoo u sahlaysa abuurid Dacaayado aan jirin iyo go'doomin xagga Isgaarsiinta ah.

Qorshaha kale ee kooxdani wadato ayaa ah in ay Isgaarsiinta Soomaaliya ay Gacanta ku dhigaan tanina waxay xiriir la leedahay dhanka istaraatiijiyada Dagaalka iyadoo ay u suuragelin doonto mustaqbilka hadii khilaafaad Siyaasadeed ama dagaalo yimaadaan in ay go'doon ka dhigaan deegaankii ay doonaan.Awooda Dhaqaale ee kooxdani oo aad u korodhay tan iyo intii C/qaasim uu hogaaminayey Kooxda Carta hadaba si taa looga faa'ideysto ayey xoogga saareen sidii ay u maamuli lahaayeen sarifka lacagaha iyo guud ahaan dhaqdhaqaaqa Ganacsiga.

Waxaan Shaki ku jirin in ay Soomaaliya ku soo fool leeyihiin Dagaalo Sokeeye oo ka daran kuwii horey aynu u soo aragney oo geysan doona Qasaare aad iyo aad u balaaran iyo dhimashoba.Sababtoo ah awaxaa maalinta maalinta ka danbeysa soo if baxaya Xaqaa'iqta C/qaasin Salaad oo Gacanna uu ku sito Qarannimo Soomaaliyeed oo uu kaga beer laxaawsanayo Soomaalida dhibaataysan ee ku nool Mogdishu, Gacanta kalana uu ku sito xiqdi, cadaawtinimo Qabiil iyo Dhul balaarsi isagoo huwinta Maleeshiyda ah oo Xambaarsanna magaca Ciidanka Soomaaliyeed ku Xasuuqaya Shacabka Soomaaliyeed ee danyarta ah.

Waxaase kaba sii daran C/qaasim kuwa isku sheegaya Aqoonyahanada, Indeergaratada Culumaa'udiinka oo aan wali fahmin dulimiga iyo khiyaanada uu hoosta ka wato. Waxaa iyagana karti yari muujiyey Kooxaha kale ee ka jira Mogdishu gaar ahaan kuwa deegaanka iska leh, Maamul Goboleedyada iyo SRRC oo wali sugaya inta C/qaasim cudud Maleeshiyo oo xoogan ka sameysanayo si uu deegaanadooda duulaan ugu soo qaado. C/qaasim todobaadyadii ugu danbeeyey wuxuu aad iyo aad u wiiqay oo uu dhaawac u geestay Halbowlayaasha Siyaasadeed ee RRA iyo Dowlad Goboleedka Puntland isagoo isticmaalaya lacag aad u fara badan iyo Siyaasiyiinta Deegaanadaasi.

lacagta badankeedana waxay ka timaadaa Kooxda fulinta oo u heegan hiil iyo hooba. Waxaynu u wada joognaa maalmaha fooda inagu soo haya Talaabooyinka xigga ee uu qaadi doono C/qaasim Salaad.Waxaan shaki ku jirin in uu waayahan is baday cudud Maleeshiyo oo xooggan iyo Lacagba isaga oo ka faa'ideysanaya Beelaha kala qaybsan ee Mogdishu,Khilaafyada Siyaasadeed ee ka jira Puntland iyo Somaliland.


Somali Action Group
Somaliaction@hotmail.com


(BAYDHABO PRESS)

 
 Respond to this message   
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement