Hoggaamiyaha Ururka SPDM Dr. Cumar Aadan Sheikh oo qoraal u diray hay,adaha gargaarka.August 25 2001 at 5:32 PM | BAYDHABO PRESS | |
|
Hoggaamiyaha Ururka SPDM Dr. Cumar Aadan Sheikh oo qoraal u diray hay,adaha gargaarka.
BAYDHABO August 25, 2001(BP)- Hogaamiyaha Ururka SPDM ee Beelaha Shikhaal Md. Cumar Aadan Sheikh kana mid ah xubnaha sare ee golaha SRRC ayaa todobaadkan baaq ku wajahan Hay,adaha Qaramada midoobay u qaabilsan gargaarka Somaaliya ka soo saaraya magaalda Baydhabo.
Baaqan ayuu Cumar Aadan kaga waramay xaaladaha ay ku sugan yihiin dadka ku nool gobolka jubada Hoose oo uu
sheegay in loo baahan yahay in loo fidiyo gargaar bani'aadanimo.
Waxaa kale oo uu Cumar Aadan si kulul qoraalkiisa ugu Eedeyay DKM in ay sabab ka tahay xasuuqa bara- kicinta iyo dagaalda ka soo cusboonaday guud ahaan dalka Somaaliya isla markaana wuxuu ka digay sheega-shada ay DKM [Kooxda Carta] ay had iyo jeer sheega-nayso Dowladnimada Somaaliyeed, wuxuuna qoraalkiisa ku soo gabo gabeeyay in waqtiga hada ah aysan jirin Dowlad Somaaliyeed sidaa darteed aysan cidna gooni u sheegan karin in ay iyadu tahay Dowlad tan iyo inta laga soo dhisayo Dowlad Qaran oo loo dhan ahay.
(BAYDHABO PRESS)
This message has been edited by moalen on Aug 26, 2001 12:53 PM
|
| |
|