Muuse Suudi oo xaruuntiisa ku qaabilay baarayaal xadgudub oo ka socda Qaramada Midoobay.
MUQDISHO Sept 1, 2001 (BP)-Hoggaamiye Kooxeedka Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah Hoggaamiyayaasha Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG ah ayaa shalay fariisinkiisa uu ku leeyahay W/Muqdisho ku qaabilay Saraakiil baarayaal ah oo ka socday qeybta Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay.
Saraakiishan oo uu hoggaaminayay Mr. Weyn Long, oo ah Madaxa nabadgelyada ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayna ka mid ahaayeen Dr. Ghanim Al Najra, oo ah khabiir madax bannaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya Alisa R. Clark iyo Dr. Aadan Abdalmoule, kuwaas oo Xaajiga weydiiyay su'aala ay ka mid ahaayeen cidda mas'uulka ka ah tacadiyadii iyo xadgudubyadii Xuquuqul Insaan ee ka dhacay Soomaaliya, taas oo uu Muuse Suudi sheegay in isaga iyo dadkiisuba ay yihiin dhibanayaal laguna soo xadgudbay.
"Waala wada ogyahay kuwa ku caan baxay xadgubyada iyo iney dadka ku sameeyaan ciqaabaha xannuunka badan, weydiiya cidda ku soo xadgudubtay dadka Reer Kismaayo, kuwa Marka, Qoryooley, Baraawe, Bay iyo Bakool, Jowhar, Hiiraan iyo inagaba, markaasaad runta ogaan doontaa" ayuu yiri Muuse Suudi oo si degan Gerkiisa weyn ugu salaaxay gacantiisa, hareerahana ay ka fadhiyeen qaar ka mid ah la taliyeyaashiisa sare oo ay ka mid yihiin Muuse Cali Cumar
Prof. Cumar Sh. Cabdi Shable (Sakhaawe), Xasan Cali Macallim oo ku magac dheer (Sopral) iyo nabadoonno tira badan.
Kulankaas oo ahaa mid Saxaafadda loo ogolaaday ayay Saraakiishaas Muuse Suudi ka codsadeen inuu u ogolaado iney hay'ad ahaan Seminaar lagu baranayo Sharciyada badbaadinta iyo sida loola dhaqmo maxaabiista dagaalka ay u soo qaba qaabiyaan, siiyaanna Maliishiyadiisa, iyadoo uu Muuse Suudi si farxadi ku jirto u ogolaaday arrintaas.
"C/qaasim Salaad markii uu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladdii Siyaad Barre, wuxuu lug ku lahaa Xasuuqii ka dhacay Jaziira, hadda oo uu sheeganayo Madaxweyne kuwii uu dharka u soo geliyay ayaa 28-kii Bishan toogtay laba Ilmood oo uu mid 8-jir yahay, midna 10-jir ahaa, walaalana ahaa, kana soo jeeday Beelaha aan hubeysneyn ayuu ku yiri Saraakiishaas Muuse Suudi.
Hoggaamiya kooxeedka oo kulankaas kadib wax ka weydiinay dagaal maalintii Arbacada ku dhex maray agagaarka Suuqa Xoolaha ee Muqdisho Maliishiyadiisa iyo kuwa ka tirsan dowladda KMG ah oo la socday Joomitir howlo dhul bixin ah ka waday deegaanno u muuqday meel talis u aheyd kuwa Muuse Suudi, wuxuuna sheegay inuusan cidna ugu heybeysan doonin inuu hor istaago boobka dhulka Muddullood, kaas oo uu sheegay iney wada leeyihiin Muddullood dhan, wuxuuna uga digay kuwa mashquulka ku ah kala boobka, Boono goosashada beenta ah iyo cabirka dhulkaas in wixii ka soo gaara ay iyaga mas'uul ka yihiin.
Sidoo kale Xaajigu wuxuu digniin ka bixiyay soo degitaanka Wasiirada Dowladda ee Xaruntii hore ee Nabad sugidda Soomaaliyeed, taas uu sheegay in difaaceeda iyo gacan ku haynteeda ay naftooda qaaliga ah u waayeen dhalinyaro badan oo Muddullood ah, wuxuuna nasiib darro ku til maamay in si fudud gacanta loogu geliyo kuwii xoogga ku soo weeraray oo kaashanaya Qaxooti aan laheyn karti ay ku tagaan deegaannada ay ka dhasheen.
"Xaruntaas waxaan u aqoon sanahay iney weli tahay Xaruntii USC/SSA, Dad ayaana ku ogaa gacan ku haynteeda, difaaceedana xoog iyo xandho wixii ay u baahan yihiin waan la garab istaageynaa" ayuu yiri Muuse Suudi.Midnimo
(BAYDHABO PRESS)
|