Jawaab baaqii Munye Saciid: Eng. Munye ma mideeyay reer Baraawe mise wuu kala qaybiyay?
Sept 4, 2001 (BP)- Waa aragtida Abuukar xaaji uu ka bixanayo baaq furan oo uu Eng. Munye Saciid Cumar ugu talagalay Beelaha Baraawe. Waxaa qoraalkan na soo gaarsiyay Abuukar Xaaji, Xiriiriyaha Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee Scandinavia.
Eng. Munye oo aan muddo ku dhow 11 sanno ka hadal arrimaha reer baraawe ayaa si kedis ah u bilaabay inuu weearar iyo eedeyn ku qaado odayaal muxtaram ah oo la qaddariyo.
Haddaba waxaa xusid mudan in Eng Munye uu ahaa ninkii kala qaybiyay reer Baraawe isagoo ujeedadiisu ahayd inuu helo koox yar oo isaga ku dan ah oo uu xukumi karo.
1992 ayuu Eng Munye ku kacay fal aad u xun oo intii dareen lahayd ka gilgilatay. falkaas oo ahaa inuu si cad qalabka warbaahinta caalamka iyo wargeysyadaba uga sheegay in reer Baraawe aysan ahayn Soomaali isla markaan a aysan wax la wadaagin soomaalida inteeda kale.
Isla waqtigaas ayaa isaga iyo koox ergo isku sheegtay u kicitimeen Yemen iyagoo ku andacoonaya in asalkooda uu yaman ka soo jeedo isla markaana ka raadsanayaan jinisiyaddooda dowladdooda.
Odayaasha shangamaas ee maanta eedeynayona gaar ahaan Dr Shariif Sheekhuna iyo Danjire Maxamed Sheekh Xasan waa kuwii waagas ka codsaday Munye inuu cudurdaar ka bixiyo gefkaas uu u geystey reer Baraawe iyo Soomaali oo dhan.
Kadib markii uu ka waantoobi waayayna waxaa odayaasha qasab ku noqotay inay fadhiyo gogol ah u dhigaan walaalahood soomaaliyeed iyagoo uga cudurdaaraynaa ereyadaas qalafsan ee Munye iyo kooxdiisu idaacadaha ka sheegeen.
haddaba waxaa la yaab nala noqotay in Eng Munye ku eedeeyo odayaal weligood ka shaqeynayay midnimo iyo walaalnimo inuu manta ku eedeeyo inay yihiin kuwa kala qaybinaya reer baraawe.
Waxaase xusid mudan in Dr Sharif Sheekhuna iyo odayaal kale oo joogay Mombasa sida Eng Muxuddiin Mahadiine ay ahaayeen kuwii aasasay ururkii la magac baxay ururka nabda jaceylka soomaaliyeed Somali Peace Loving Union SPLU iyagoo ka qayb galay shirarkii UNtu ay Adis Ababa ugu qabatay arrimaha soomaalida, raggaasna waxay shirkaas u tageen ma ahayn jago doon ee waxay ahayd inay caalamka gaarsiiyaan dhibaatadii soo gaartay reer Baraawe.
Eng Munye sida dadka badankiisu og yahay waa nin ku caan baxay inuu calooshiisa u shaqeysto ee aan weligiis u danayn ummadda sooomaaliyeed iyo qowmiyadda reer baraawe toona.
waxtarkuna ma ahan oo keliya inaad dhaqaale bixiso balse weligiis kama hadlin dhibaataooyinka iyo xasuuqa loo geystay dadka shangamaas ee uu manta leeyayhay waa walaalahay oo baaq baan u jeedinayaa.Balse wuxuu ahaa nin maraakiibta uga keeni jiray hoggaamiye kooxeedyada hubka ay ku gumaadiyeen reer barawe isagoo weliba siin jiray hogaamiyeyaasha dhaqaale laaluush ah.
Bilowgii shirka carta oo aan ogayn siyaasaddiisu waxa ay ahayd Eng munye ayaa wuxuu ku kacay fal kasii xun kuwii hore kaasoo ahaa in uu dowladda Itoobiya gacanta u geliyay odayaal uu ka mid ahaa Col Muqtaar Xaaji Munye oo transit ku ahaa halkaas idagoo ku eedeyneyay in ay ka mid yihiin uruka al Itixaad oo ka dagaalamayay Gedo.
Baaqan uu soo saaray Eng munye wuxuu kaga hadlay arrin aan xiriir la lahayn mowduuciisa kaasoo ah in uu ku eedeeyay Dr Shariif iyo Danjire Maxamed Sh. inaysan salaan ugu tagin mud XasanMaxamed Nuur markii Carta la joogay.
Shirkii Carta markii la joogay arrintu waa ka weyneyd salaan iyo iska wareysi xaas oo maalinkaas waxaa loo wada guntanaa sidee baan somaliya ku soo celinaa.
Ma jiro wax qilaaf siyaasadeed iyo mabda oo u dhexeeya Odayaashaas iyo walaalkood islamarkaana ah hogamiyaha guud ee Digil iyo Mirifle Mudane Dr. Xasan Maxamed Nuur (shaati gaduud).
Eng Munye wuxuu soo hadal qaaday oo keliya shirar ka dhacay Ohio iyo Manchester balse wuxuu illaaway kii London oo uu Dr Aweis Amiin Sheikh soo qabanqaabiyay kaasoo ay ka soo qayb galeen odayaal ay ka mid ahaayeen Mud C/Salaam Sheekh Xuseen iyo Danjire Mxamed Sheekh Xasan.
iyadoo ay caado u tahay Eng Munye inuu ka maqnaado shirarka noocaas ah sabab aan la garaneyn awgeed.
Ugu dambeyn wuxuu Engineerku ka codsaday bulshaweynta Soomaaaliyeed inay ururiyaan xog ku saabsan dhagarihii dagaalka oo ay hoggaamiyeyaashu galeen.
Laakiin illaa hadda caddeymaha aan hayno oo dhan waxay muujinaayaan godobtii uu Munye ka galay Soomaalida.
Waxaan shaki ku jirin in midnimada reer Baraawe la heli doono goor ay ahaataba taasna waxaa dadaalkeeda wada odayaashan uu ku eedeynayo inay kala qaybinayaan ummad uu isagu mar hore kala qeybiyay oo kala dilay.
Wxaan hadalkeyga ku soo gabagabeynayaa arrinta maanta ka hadalsiisay Eng Munye iyo raga ay isku fikirka yihiin ee uu ka mud yahay Xaaji Abuukar Xaaji Cabdulqaadir inaysan ahayn inay rabaan inay mideeyaan qowmiyadda reer baraawe balse ay rabaan inay is hortaagaan dadaalka ay Dr Shariif iyo Danjire Maxamed Sh wadaan oo weligeed xaaladdu sidaas ahaato isaguna uu danihiisa ku fushado.
W.D Abukar XAAJI.
xiriiriyaha Jaaliyadda D/M ee Scandinavia
(BAYDHABO PRESS)
|