Respond to this messageReturn to Index
Original Message
  • HA.YADDA QARAMADA MIDOOBAY OO XAFIISKEEDI UU HOREYAY KA FURATAY BAYDHABO, SOMAALIYA
    • BAYDHABO PRESS
      Posted Oct 27, 2001 5:32 PM

      HA.YADDA QARAMADA MIDOOBAY OO XAFIISKEEDI UU HOREYAY KA FURATAY BAYDHABO, SOMAALIYA

      BAYDHABO Oct 27, 2001 (BP)-Hay,adda Qaramada Midoobey ayaa todobaadkan magaalada Baydhabo ka furtay xafiiskedii u horeyay ee UNDP Soomaaliya (UNDP SOMALI HEAD QUARTER). Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu maamuusayey xaruuntan cusub ee Qaramada Midoobay Soomaaliya ayaa todobaadkan ka dhacday magaalada Baydhab.

      Ugu horeyntii waxaa halkaas ku soo bandhigay riwaayad ka turjumaysay xaaladda dalka uu haatan marayo iyo ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka fannaaniitna kooxda Arlaadi, ka dib waxaa hadal gaaban ka soo jeediyay Guddomoiyaha Gobolka Baay Md. Maxamed Cali Aadan (Qalinle) oo ka waramay marxaladihii kala duduwunaa ee uu soo maray Gobolka Baay iyo guud ahaan meelaha ay haatan ka taliyaan Ururkiisa,wuxuuna mahad u soo jeediyay Q/Midoobey ka dib waxaa uu codbaahiyaha ku soo dhoweeyay Guddomiyaha Ururka Wax iska Caabinta Reewin (RRA) Md. Dr. Xasan Maxamed Nuur (Shaatigaduud) oo ka hadley Xaaladda guud ee uu haatan marayo waddanka Soomaaliya iyo sida lagama maarmaan u tahay in UNka gacan ka geeysto sidii looga gudbi lahaa musiibada ku habsatay Soomaaliya oo ay ugu horeyso abaaro is daba joog ah oo daba dheeradey iyo sidii Soomaaliya looga helilahaa Dawlad loo dhanyahay oo cadaald ku dhisan ,islamarkaana waxaa uu mahad ballaaran uu u soo jeediyaya dhammaan Hay’adaha UN-ka ee ka howl gala Soomaaliya ,Shatigaduud waxaa uu u ballan qaaday in ay gacan weyn ka sii ddoonaan Xafiiskan howsha culus ee sugaysa sidii uu u gudunalahaa .

      Ka dib waxaa hadalkii la wareegay Xiriiryaha guud ee howlaha Bini’aadaminimo u qaabilsan Q/Midoobay Randolph Kent oo sheegay in Baydhabo tahay meel ammaan ah sida awgeed nasiib u yeelatay in ay ka Furaan Xafiifka UNDP ee Soomaaliya waxaana ammaan uu u soo jeediyaya Maamulka RRAda. Waxaa munaasabadii lagu maamusayey furitaanka Xafiiskan ka soo qeybgalay Wafdi ka socda Hay’adaha UN-ka oo ka yimid Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, dhammaan Gudiga Fulinta ee Ururka RRA, Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha SRRC iyo dadweeyne aad u tiro badan.


      (BAYDHABO PRESS)
    Login Status
  • You are not logged in
    • Login
      Password
       

      Optional
      Provides additional benefits such as notifications, signatures, and user authentication.


      Create Account
    Your Name
    Your Email
    (Optional)
    Message Title
    Message Text
    Options Enable formatted text (Huh?)
    Also send responses to my email address
     
    Notice: This is a moderated forum. Your post will not show up until a moderator approves the message. If you regularly have full posting privileges, you may have to login first.
          


    Create your own forum at Network54
     Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement