Gole Xeer Dejin BAARLAMAAN oo leh labo aqal. Aqalka Sare konton afar (54) xubnood oo siddeed iyo tobanka (18)Gobol ee Qaranka kiiba soo doortay saddex (3) xubnood. Aqalka Hoose oo siddeetan iyo afarta (84) Degmo ee Qaranku kiiba soo doorto labo (2) xubnood.
MAXKAMAD Qaadiyaal Golaha Fulintu soo magacaabay Aqalka Sare ee Baarlamaankuna ansaxiyay.
Maamul ka dhaxeeya Gobolo isu tagay sida: Banadir Hiran Bay Jubaland Puntiland Somaliland Jaaliyad lehna saddex gole: Guurti, Gole Maamul iyo Gole Sare.
Golaha Fulinta oo ka kooban xubno ay iska dhex doorteen xubnaha aqalka WAKIILADA.