Luqadda Maayda

by Muuse Yahye

 

Maxamud waad salaaman tahay. Wax kale laguma weydiinin, keliya waxaa lagu weydiiyey in aad sheegtid afka Maay-Maayga waa fara badan yahay midkee rasmi ah ee la isku raacsan yahay? Yaa isku raacay? Maxaa la isku raacay midkaasi?
Aan kuu kala dhigo luqadaha Maay-Maayga waxaa u kala baxaan sidatan:

Maay Dhati oo Begedi ku hadlaan
Maas Dhati oo Geledi ku hadlaan
Maay Dhahooyti oo Shanta Caleemood "Reer Daafeet" ku hadlaan
Maay Arti oo Mirifle intiisa badan ku hadlaan
Maay Dhahaayti oo Tuni ku hadlaan
iyo kuwo kale oo badan oo ay ku hadlaan:
- Dabare
- Gare
- Jiido
- Irowle

Iyo af Maay-Maay u dhow oo ku hadlaan dadka degan Marka iyo Gendershe.

Su'aasha waxay tahay waa tee tan rasmiga ah? Sidee ku noqotay? Yaa isku raacay? Mise waa la is qaldaaya.

Ka jawaab walaal.

Posted on Mar 20, 2004, 10:38 AM

Respond to this message   

Return to Index

Response TitleAuthor and Date
Somali Unite(off topic)Abdikareem Somalian on Jun 13
 salaan qaali on Aug 31
  Re: salaan qaali on Sep 1
  Re: salaan qaali on Sep 1
  Re: salaan qaali on Sep 1
  Re: salaan qaali on Sep 1

Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement