--


Somali Language/Litereture

by Mubarak Ali

 
Ma aha in la isku qab-qabto luqadeyda ayaa ah tan saxa ah. Waa in luqad iyo suugaan horumarsan lala yimaada. Cidna luqadeeda lama inkiri karo. Waxaad eegtaan dalka deriska aanu nahay ee Kenya. Waxay leeyihiin idaacado ku baxa dhamaan afafka kala duwan ee qabaa'ilada dega dalkaas (Massai, Mkamba, Kikuyu, Luyah, among other small tribe languages). Anagana weli waxaan isku qab-qabaneyna waxaan loo fadhinin. Sida runta ahna qabiiln ama degaan keliya ma sheegan karo in luqadiisa ay tahay tan rasmiga ah ee wadanka Soomaaliya. Somalia iyo Soomaalidaba waa wadanka iyo dadka keliya ee aan la socon karin aduunka waqtigii hore iyo kan haadan la joogo. Sababta waxay tahay dawladdii ay xunku ay qabato waxay is door bidaysa in ay ayada iyo luqadda qabiilkeeda keliya uu yahay tan rasmiga ah, weliba waxaa ka sii daran reer guuraaga waxay aaminsan yihinn in ayaga oo keliya ay yihiin dadka u dhashay Soomaaliya iyo luqadoodana ay tahay mida keliya ee rasmiga ah.

Reer Af May Maay dhexdiina ha is qabnina ee luqadiina way badan tahay welina waxay tahay mid hodan ah ee ha loo daayo qabiil kasta tiisa ayaa rasmi u ah, haddii kale daraasaad ha lagu sameeyo ee mid isku raaca oo dadkiina iyo Soomaalida inteeda kale soo dhex dhiga si loo barto

Posted on Mar 24, 2004, 9:11 AM

Respond to this message   

Return to Index

Response TitleAuthor and Date
Mahadsanid on Jun 21

Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement