Afka Maaydaby Hassan
Waxaan bishii hore aan helay buug-yare (Brochure)ku qoran afka Maayda gaar ahaan afka maayda ku hadlaan dadka dega Bay iyo Bakool. Runtii waxay ila ekaatay tallaabo fiican, inkasta oo la horumarinin qoraalka afka maayda qeybtaasi (Bay/Bakool). Meesha aan helayna buugaasi waxay ahayd meel shir ka jiray oo Jaamacad dhecdeeda ah. Su'aalo ayaa la iska weydiiyey oo la yiraahday waxaan dooneynaa dadka qoraalkan sameeyey, su'aalo ayaan weydiineynaa oo ku saabsan qoraalkaasi. Waxaa nasiib darose noqotay dadkii qoray oo halkaas joogay ay yiraahdeen anaga waa naloo soo dhiibay oo keliya in aan halkan keeno. Markaasi wayaa la weydiiyey qaar ka mid ardayda halkaas dhigata oo qaarkooda u dhashay Digil iyo Mirifle, waxay yiraahdeen afkan ma aha af maayga qabiilkeyga ku hadla ee waxaa gooni u yahay dadka dega Bay/Bakool. Runtii aniga waan ka yax-yaxay arimahaas gaar ahaan kuwa soo qoray haddana jawaabta u waayey haddii su'aalo laga weydiin lahaa.
Waxaan ula jeedaa afka maayda waa badan yahay. Qabiil kasta ama degaan kasta afkiisa maayga u gaarka ah yuu dadka kula soo horumarin ama ku soo bandhigin haddii aan ka jawaabi karin su'aalaha ka imaan doono.
Posted on Jun 9, 2004, 2:05 PMRespond to this message
Return to Index |