--


Codsi Soomaalinimo

by

 
Walaalkeey Soomaaliyeedow,

Marka hore waxaad xaq u leedahay in aad fikraddaada dhiibato. Marka xigase waxaan ku weydiinayaa hal su'aal oo keliya, waxaana kaa codsanayaa in aad si daacadnimo iyo Soomaalinimo ah iigu soo jawaabtid. Su'aashu waxay tahay "MAXAY TAHAY SABABTA QOFKA MAXATIRIGA AH UU LA GUBANAYO OO UU LA QAADAN LA'YAHAY MARKUU MAQLO AF-MAAY"? "MAXAY TAHAY XAQIIQDA RUNTA AH EE KA DAMBEEYSA ARRINTAAN"? "MAXAY TAHAY CABSIDA AAD DAREEMEYSO IN AY KUGU DHACEYSO HADDII LA QORO AF-MAAY"? "MAXAA CULEYS AH OO AY KUGU KEENAYSAA BAAD U MALEYNEYSAA AF-MAAYGA IYO QORISTIISA"? "MAXAA HADDA KUU HAGAAGSAN OO KA HALAABAYO AYAAD FILEYSAA HADDII LA QORO AF-MAAYGA"? Waa su'aal qura oo laakiin wejiyo badan aan kaa tusayo si ay jawaabtu kuugu fududaato. Ma filayo in aad AF-MAAYGA iska necebtahay uun ee waxa jira dareen qarsoone noo sheeg walaalow. Adigana faa'iido ayey kuu noqoneysaa oo walaalahaaga Soomaaliyeed ayaad wax u faa'ideyneysaa, annagana daraasad fiican oo aan wax ku qaadano ayey noo noqoneysaa.

Waxaan kaa codsanayaa markale in aad si daacadnimo ay ku jirto adigoo cabiraya dareenkaaga khaaska ah iisoo jawaabtid. Waxaan gacmo furan kusoo dhoweynayaa qof alla qofkii kale ee fikraddiisa kasoo dhiibanaya "jawaabta" su'aashaan.

Walaalkaaga Soomaaliyeed,

Isaaq Xasan Xuseen
Melbourne, Australia

Posted on Aug 4, 2004, 12:15 AM

Respond to this message   

Return to Index

Response TitleAuthor and Date
g'day ,see et'?the real maay answers on Apr 3

Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement