Deerow

by

 
Walaalkey ama saaxiibkey Cabdallah Deerow Isaaq waa nin aan si fiican u aqaan. waa nin geesi ah oon runta ka waaban wax kastaba ha ku qaadatee.waa nin aqoon iyo kartiba leh, waa shaqsiyad firfircoon oo u maskax furan arrimaha ku soo fool leh iyo odoroska mustaqbalka. waa nin daacad ah oo gardarrada ka dhiidhiya oo aan marnaba yaska qaadan.
Aqoon ahaan waxuu ka mid yahay ragga ugu aqoonta roon xildhibaanada Miriflaha ee hadda ku sugan shirka. waa nimaan looga cabsi qabin inuu iibsado danaha dadkiisa iyo dalkiisa.

walow uu siyaasadda ku cusubyahay haddana waxaad ka arki kartaa kartidiisa iyo daacadnimadiisa halihii yaraa uu Carta la shaqeeyey.

waa geesi garab u baahan, haseahaate dadkiisa Reer Mirifle waa dad dhiigga saliinge looga miirtey oo walaalkooda intey gergaari lahaayeen waraabaha u looga.
Waa ummad isu naxriis daran dhexdeeda una nugul in la kala laalusho ama la isku diro. Waa dad aragtidooda siyaasadeed ay ku koobantahay dan gaar ah iyo meel dhow.
waxaa la rabaa sidii Gaandigii Hindiya oo kale Mirifluhu inuu wada noqdo dad wax ka barta taariikhda iyo wixii la soo marey oo anay noqon cawaan calooshiis la cayaar ah.
Midnimadiina wax kasta ka hormariya, ubadkiina wax bara, ayaahiina guud ka fekera. ogaada kii jago loo doortaaba inuu ka mas'uul yahay danaha guud ee dadka oo dhan.
Markaad codkiina mideysaan ayaad cadkiina goosan kartaan.
Mirifle waa isku wada dan, isku duubni oo keliya ayaad ku hor marin kartaan gobolladiina iyo dadkiina.

Qabiil hebel baan u dhashey , beelaha kale waxba igama khuseeyaan, waa teel teel iyo tol'aan. waa taag darro aan cidina ku liibaaneyn.

Falalkii iyo fawaaxishkii foosha xumaa ee RRA ka dhigtey Gobolladoodii, gaar ahaan Gobolka Baay waxay ahaayeen wax caaqnimo iyo qayr mas'uulnimo ah oon marnaba loo dulqaadan karin. Hebel baan ka shakiney iyo wax la mid ah ayaad boqollaal nafood ku layseen. Hadday maskax aqoon leh oo fayoobi jirto , waad badbaadin kari lahaydeen dadkiina aad bilaashka u laayseen.War hunguri weyni iyo wax dhuunta la mariyaa ha ku iibsanina magaciina iyo mustaqbalka dadkiina. Nin sida Deerow oo kale ah, hadduu garab helo shacab waa hoggaamin karaa.

Waxaa in la xuso mudan Alla ha u naxriistee Axmad-Rashiid Sh. Maxamad (Qulqule)oo naftiisa u waayey inuu soo dhiciyo xuquuqda dadkiisa dulman.

Kuwa hunguriga ku dagaallamaya ma isweydiyeen waxa wadey aqoonyahankii Amed-Rashiid oo jinsiyad Canadian ah sitey oo ilmihiisa iyo xaaskiisa soo cidleeyey muddo hal sano ku sugnaa shirka Nayroobi?? Ma waxuu cunuu soo waawey? ma mansab iyo kursi raadis buu ahaa? maxaa loo diley bey kula tahay?.

Dadkeygow, ayaan daranow waa kaas geesigii aqoon leh ee idiin soo kacaba waxaa u leh goblan iyo inuu ku go'o gacan cadaw. Yaa raad raacey dilkii siyaasadeed ee loo geystey halyeygii ka dhex ifaayey wufuudda shirka sida dayaxu uga dhex ifo xiddigaha. Maskaxdii ka dembeeysey heshiisiintii labadii macangag ee walaalahood bilaashka isugu laayey . Axmed Rashiid booskiisa waxaa buuxin karaa Deerow haddii uu dad helo.taariikhda dib u baar.

Macallin dugsi qur'aan oon weligiis tacliin kale baran, odey SAGAALLE WAR KA AHAA iyo NIN BADAW AH oon waxna qorin waxna akhrin geesi iyo dagaalyahan kastoo ay yihiin siyaasad iyo maamul dawladeed looma dhiibi karo .waayo waa indhoole awr inta loo xariiriyey hoggaami la yiri. Halkee baad fileysa inuu ku gaarsiiyo. Jawaabta idinkaan idinka sugayaa....waa socdaa


Posted on Sep 19, 2004, 11:21 AM

Respond to this message   

Return to Index

Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement