Afka la isku qab-qabto waxa keenayby IsmaciilWalaal Bake, waa runtaa dadkeyna Soomaalida aad bay u jecel yihiin in wax yar ama hadal yar isku qabtaan, xalna loo helin. Waxa arrintaasi keenay waxaa ka mid ah, iskaba daa in afka Maayga iyo Maxaatiriga la isku qabto. Waxaa la isku qabtaa in Maayga dhecdiisa la isku yiraahdo Maayga ka reer Bay/Bakool ayaa ah kan saxa ah, Maayga ku hadlaan reer Digil oo degaan Shabeelaha hoose, Jubbooyinka ma aha af Maay sax ah. Aniga waxaan qabaa in afka Maayga uu badan yahay, qabiil kasta ama degaan kasta midkiisa gooni u yahay, una sax san yahay. Waxaad ka soo qabataa afka Maayga ku hadlaan Bay/Bakool in uu ka baddelan yahay afka Maayga ay ku hadlaan dadka dega Diinsoor, Qoryooleey, Baraawe, sablaale, Daafeed, Aw-dhegle iyo Afgooye. Sidaas darteeda, waa run sida aad sheegtay in af Soomaaliga uu dhameystirneen, wuxuuna u baahan yahay cilmi baaris dheer, ereyo bixin badan iyo suugaan cilmiyeesan. Waxaan ku soo gabagabeynaya in uusan jirin cid afkeeda ka sax san yahay cida kale, cid walba keeda ayaa u saxan, haddii kale waa in cilmi baaris dhameystiran la isla sameeyaa, iyo yaan la isku qab-qabsanin hadalo aan micno weyn sameyneynin. Return to Index |
| Response Title | Author and Date |
| BAY . BAKOOL. GADO. SHABEELADA HOOSE.SH.DHEXE.JUBA HOOSE.J.DHEXE WAA DHULKA DIGIL IYO MIF | on Jan 17 |
| walaahi taasa beenta ig haayna inti intaasba una lena | on Feb 18 |
| Create your own forum at Network54 |
| Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved. Terms of Use Privacy Statement |