RE: Fakin May Lingo - There is Nooooo such langaugeby AnonymousWalaal S g Mohamud dadka Soomaalida waxay degan yihiin geeska Africa, waxayna leeyihiin hal luqad oo lagu magacaabo Af Soomaali, ka dibna waxa luqadaasi u kala baxdaa Af soomaali Maxaatiri iyo Af Soomaali Maay. Af Soomaali Maxaatiri wuxuu u kala baxaa kuwo fara badan oo dilect kala duwan leh sida (muxuu yiri, xuu leeyahay, maxaa dhehday, maxaas hehay iyo kuwo kale oo badan) sidoo kale Af Soomaaliag Maayga wuxuu leeyahay dilect fara badan oo kala duwan sida (maas dhetay, maay erti, maay dhati iyo kuwo kale oo badan). Marka afka Soomaaliga aad leedahay waa STANDARD, ma jiraan arrintaasi maxaa yeelay weli luqada Af Soomaaliga analysis laguma sameynin, mana la horumarinin. Marka aad luqada Soomaaliga aad wax ku tarjumaysid mala standard vocabulary, ma laha eryo bixin la isku raacsan yahay, waxaad arkaysaa mid ayuu qoranay eryo aan dadka kale garaneynin sida mindhaa, agah, balse, boowe iyo kuwo kale oo qabiil u gaar ah. Sidaasi darteed, waxaan kaa codsanaya inta aad afka Soomaaliga wax ka sheegin marka hore, cilmi baaris ku sameey oo hal af oo standard ah oo luqadaha kale wax loogu tarjumi karo ha la helo. Waxaan kale kuu sheegaya in Soomaalida oo dhan hal af standard ah aan yeelan karin, maxaa yeelay way kala dhaqan iyo xirfad duwan yihiin. Luqad kastana waxay ku xiran tahay lifestyle of their community. Thank you Brother Return to Index |
| Create your own forum at Network54 |
| Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved. Terms of Use Privacy Statement |