TOLOW YAA ISTICMAALI DOONO HADDII LA QORO AF MAAYGA?
by
Waar maxaad isugu daalineysaan Af-Maay baa la qorayaa iyo Af-Maay baa lagu hadlayaa iyo wixii la mid ah? Af-Maaygu waa AF-GURI ee marna noqon maayo Af-Somali rasmi ah. Sidaasi inay tahayna way ogyihiin dhammaan madaxdiina, aqoonyahanadiina, reer-magaalkiina iyo waxgaradkiina. Hadalkaan aan ku hadlayo iskama lihi ee waa xaqiiqda waaqiciga ah ee ka tarjumeysa dhaqanka madaxdiina, aqoonyahanadiina iyo waxgaradkiina macal kuwooda ku howlan qorista Af-Maayga. Bal kaalayoo wax yar dareenkiina i amaahiya si aad iila aragtaan xaqiiqda waxa aan ka hadlayo. Sida ay u dhan yihiin madaxdiina, aqoonyahanadiina, waxgaradkiina iyo macal ku dar reer magaalkiina waxaa guryahooda looga hadlaa Af-Maxaatiri. Haddii aan been ku sheegayana idinkaa ii sheegi doona. Haddii aad i leedihiin waa beentaa, car ii soo sheega siyaasi ama aqoonyahan la yaqaan oo D/M ah oo aan guriiga looga hadlin carruurtiisana aanay ku hadlin Af-Maxaatiri?