Luqada Maayga Ma jirtoby Hassan MaahWaxaan ogaanay in af maay wax la dhaho aysan jirin. Keliya waxaa jiraa af baydhabood iyo af reer bakool. Arintaasi waxaan u soo qaatay ka dib markii aan akhriyey maqaal ay soo saaray xafiiska mai community of Minnesota oo lagu soo qoray in afka Gelediga, Garaha, Tuniga, Jiidada, Begediga iyo kan reer Shanta Caleemood (reer Daafeedka) ayna ahayn af maay. Arintaasina waxaa sanadihii dambe ku hawlanaa Professor maxamed Xaaji Mukhtaar oo wax ka dhiga jaamacadaha Maraykanka. Shirar badan ayuu ku sheegay in afka maayga keliya uu yahay kan loogu hadlo baydhabo iyo bakool. Haddii sidaasi arinku yahay, waxay ila tahay in afka maayga reer baydhabootka iyo reer bakool uusan waxba ka gedisaneyn afka maxaatiriga. Maxaa yeelay qof kasta wuu fahmaya ereyada maayga. Luqada Soomaalidana waa hal luqad oo u kala baxda lahjado kala duwan sida afka maxaatiriga, kan baydhabootka, kan reer baraawaha, kan reer shabeelaha hoose. kan mashuunguliga iyo kuwo kale oo looga hadlo waqooyiga wadanka. Return to Index |
| Response Title | Author and Date |
| Re: Luqada Maayga Ma jirto | Anonymous on Feb 17 |
| Create your own forum at Network54 |
| Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved. Terms of Use Privacy Statement |