Luqada Maayga ma aha luqad ku cusub ......

by Mayow A.

 

Hadalada waxay ku socdaan ninka la yiraahdo Hanad iyo kuwa la fikirka ah. Waxaan kuu sheegaya in luqada Maayga in ay tahay luqad jirto oo ummad iska leedahay. Waxaa luqadan iska leh oo ka dhaxeysa Digil iyo Mirifle ee ha dhahina luqadan waxaa iska leh Raxanweyn. Anaga haddii aanu nahay Digil Raxanweyn waxaan keliya u naqaana dadka dadka Miriflaha. Haddii af maay loo baxo waxaa iska leh labada ummaddood ee Digil iyo Mirifle. Luqada Maaygana ayada ayaa dhawr luqadood u kala baxaan hadba waxay ku xiran tahay qabiilka iyo degaanka, haddii aan kuu faah-faahiyo sidan ayaan u kala saaraya:

Af Maayga Digilka waxaa u kala baxaan sidatan:
1.Af Maayga Gelediga "Maas dhati"
2.Af Maayga Begediga "Maay dhati"
3.Af Maayga Tuniga "Maay dhahaayti"
4.Af Maayga Dabaraha "Maay dhahaayti"
5.Af Maayga Shanta Caleemood "Maay dhahooyti"
6.Waxaa jiraa af Maayga Jiidada "aniga ma garanayo"
7.Waxaa jiraa af Maayga Garaha "aniga ma garanayo"

Af Maayga Miriflaha waxa ka mid ah
1. Maay erti

Haddii sidan ku heshiino luqada Maayga qiimo weyn bay yeelan doontaa haddii kale hadalada ha la iska yareeyo!!!!

Posted on Jan 8, 2005, 5:31 PM

Respond to this message   

Return to Index

Response TitleAuthor and Date
Re: Luqada Maayga ma aha luqad ku cusub ......Anonymous on Feb 17

Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement