--


TALO JEEDIN KU WAJAHAN HORUMARINTA AF-MAAYGA

by aawsheeng

 
Sideynu wada ogsoonahay, howl walboo la qabanayo waxay martaa heerar kala duwan, billow ilaa dhammaad. Qoridda ALIF-MAAYGA waxaan filayaa in uu ku jiro heerkii billowga ahaa ee hab-qoraalka xuruuftiisa lagu fadhiisinayo. Sheyga haddii marba la bilaabo wuxuu ka wanaagsan yahay oo uu ka horumarsan yahay intaanan la bilaabin. Waa wax lagu farxo in maanta xuruuftii ALIF-MAAYGA la qoray, dadaal dheer ka dib.

Waxay haddeer iila muuqataa in lasoo gaaray heerkii labaad ee ahaa howlgelinta qoraalka AF-MAAYGA. Heerkaan labaad waa heerka loo baahan yahay in ay ka qeyb qaataan dhammaan qeybaha bulshada D/M ee kala duwan. Waxaan ula jeedaa heerkii koowaad qolo ama rag gaar ah waa lagu haleyn karayey laakiin heerkaan labaad waxaa lama huraan ah in qof waliba si buuxda ugu diyaar noqdo taabagelinteeda. Sidaa darteed, waxaan jeclaan lahaa in waxoogaa talooyin ah oo ku wajahan heerkaan labaad aan halkaan kasoo jeediyo, idinkoo iga raalli ah haddaan gefo.

In la sameeyo qorsho straatiijiyadeed lagu horumarinayo muddada kasoo qaad tobanka sano ee soo socda, waa tusaale ahaan. Tusaale ahaan muddada labada sano ee ugu horeysa in loo aqoonsado XILLI TIJAABO si loogu kuurgalo, loo ururiyo, loona saxo wixii khaldaad ah, haka yimaadeen dhanka qoraalka, dhawaaqa, lahjadaha, IWM. Magacawga lagu magacaabo labada sano ee ugu horeysa, XILLI TIJAABO, waxay meesha ka saareysaa cabsida haatan ay dad badani ka qabaan nooca lahjadda ay isticmaalayaan markay qorayaan AF-MAAYGA. Tani waxay kaloo fududeynaysaa in bal la eego halka ay arrintu isugu biyo shuban doonto. Arrinta noocan ah ee baaxaddan leh ma ahan mid ay ragga fara ku tiriska ah ee maantadaan ku howlan horumarinta ALIF-MAAYGA oo keliya ay qaban karaan, waxaa lama huraan ah in ay noqoto HEER QARAN ee Digil-i-Mirifle. Micnaha mid aan loo kala harin dhammaan qeybaha bulshada qof walibana loo cayimaa qeybta uu ku leeyahay, waxaana ka mid ah sida tan:

DOORKA SIYAASIINTA: In muddada lagu jiro XILLIGA TIJAABADA in wareysiyada ay bixinayaan ragga siyaasiinta, odayaasha, aqoonyahanada iyo dhammaan bulshada inteeda kale ee la siinayo idaacadaha maxaliga ah iyo kuwa dibadda sida BBC ay ku baxaan AF-MAAY oo keliya. Si arrintani ay u hirgasho waa in lagu wargeliyaa dhammaan ciddii ay quseyso iyo beesha caalamkaba mowqifkaan siyaasadeed ee XILLIGA TIJAABADA. Haddaan ku celiyo hadalkaan mar kale waxaa weeye, in AF-MAAY lagu hadlo kolka wareysiyada la siinayo warbaahinta gudaha iyo dibaddaba. Waa muhiim in luqaddu ay ka hirgasho HEERKA DOWLADEED si loogu daydo.

DOORKA WEB-PAGEyada: In muddada lagu jiro XILLIGA TIJAABADA dhammaan WEB-PAGEyada kasoo jeeda Digil-i-Mirifle ay wax ku qoraan ALIF-MAAYGA, haddii gebi ahaanba aanay beddeli karin AF-MAXAATIRIGA ay haatan wax ku qoraan in ay bal ugu yaraan isku garab qoraan ALIF-MAAYGA iyo MAXAATIRIGA. WEB-PAGEyada Internetka waxaan ula jeedaa sida kuwa haatan jira ee ARLAADINET, ARLAADI.COM, BAIDOA.COM, BAYDHABO.COM, DIINSOOR.COM, BAKOOL.COM, iyo kuwo kaloo fara badan oo aanan halkaan kusoo koobi karin. Tani waa doorka ay WEB-PAGEyada yeelanayaan hirgelinta howshaan. Inta ay Web-Pageyada D/M ay wax ku qorayaan AF-MAXAATIRI suurtagal ma ahan in Web-Pageyada MAXAATIRIGA ay AF-MAAY qoraan.

DOORKA WARBAAHINTA (Idaacadaha iyo wargeysyada): In la helo idaacado iyo wargeysyo afdheer oo ku baxa AF-MAAY. Waxaa talaabo lagu farxo ah idaacadda cusub ee uu haatan Bashiir Mad Eeding (Xabashow) uu ka unkay bogga internetka ee Baidoa.com. Haddii lagu kaalmeeyo oo gacan lagu siiyo dadaalka uu bilaabay waxaan hubaa in mar uun ay mira dhali doonto, BBC-duba maalin bay billow ahayd! Muhimadda ugu horeysa ee idaacadahani waa in ay ahaataa in ummadda wax lagu baro. In loo sameeyo barnaamijyo xiriir ah oo ALIF-MAAYGA lagu barayo.

DOORKA GANACSATADA: Ganacsatada iyo maalqabeenada waa in ay kaalin firfircoon ka qaataan dhinaca maalgelinta iyo socodsiinta barnaamijta horumarinta ALIF-MAAYGA. Caalamka maanta jira GANACSATO ayaa hormuud ka ah dhammaan barnaamijta horumarineed iyo kuwa siyaasadeed. Ganacsatada iyo maalqabeenada wax weyn bey ka beddeli karaan bulshada iyo horumarkeeda waa hadday doonayaan!

DOORKA DUGSIYADA: Iskuulada haatan ka jira deggaanada D/M waa in lagu bilaabaa sidii ALIF-MAAYGA looga bari lahaa. Jiilka cusub waa in loo yeelaa AF qoran si aanay ugu baahan in ay MAXAATIRI wax ku qoraan.

DOORKA AQOONYAHANADA: Aqoonyahanada waa in ay iska kaashadaan sidii ay u diyaarin lahaayeen MANAAHIJTA waxbarasho ee ALIF-MAAYGA lagu baran lahaa. Ha ahaadaan buugaag billow ah ee ALIF-MAAYGA, kuwa madadaalada iyo sheekooyinka, taariikhda, dhaqanka, bulshada IWM.

DOORKA AF-YAALADA: Afyaalada waa in ay bulshada ku baraarijiyaan muhimadda ay leedahay barashada ALIF-MAAYGA.

Posted on Feb 2, 2005, 12:44 AM

Respond to this message   

Return to Index

Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement