LUQADDA AF-MAAYGA: Luqooy Maxaad Tahay?by aawsheengMuhiim weeye in la is weydiiyo sideedaba luqadi waxay tahay. Luqad, waxa afka qalaad loogu yaqaan "language", waxaa lagu qeexi karaa "system of sounds, words, patterns, etc used by humans to communicate THOUGHTS and FEELINGS" (Oxford Dictionary, 4th edition). Tani micnaheedu waxa weeye, "nidaamka dhawaaqa, ereyada iyo qaabka iwm ee uu bani-aadamku isugu gudbiyo/gaarsiiyo FIKRADAHA iyo DAREENKA. Laba erey muhiim ah ayaa halkaan ku jira waa "thoughts and feelings" - "fekerka iyo dareenka". Waxaan halkaan kala bixi karnaa in LUQADDU ay saameyn ku leedahay gudbinta fikradaha iyo dareenka qofeed. Tusaale ahaan, qof aamusan lama garan karayo qaabka uu u fekerayo iyo qaabka uu wax u dareemayo ilaa uu ka hadlo. Markuu qofkaasi hadlo ayaa waxaa la go'aamin karayaa miisaanka, qaabka fekerka iyo dareenka, qofkaasi leeyahay. Qaabka uu qofku u fekero iyo wax u dareemo waxaa saameyn weyn ku leh waxyaabo fara badan sida degaanka, dadka,dhalashada, lahaanshaha, hidaha, dhaqanka, dabeecadda, aqoonta, waaya'aragnimada, dhibta, dheefta, iwm. Sidaa darteed dhammaan waxyaabahaan aan kasoo hadalnay iyo in badanoo kale oo la mid ah ayaa waxaa SIDE (carrier) u ah LUQADDA. Haddaan si kale u iraahdo, LUQADDU waa SIDE (carrier) oo waxay siddaa dhammaan hiddihii, dhaqankii, dhalashadaii, dabeecaddii......sidaa ku wad. Sidaa darteed, qofku haddaanu kula LUQAD (AF) ahayn kula feker iyo dareen doona ma ahan, waa tay maahmaahdiinu ahayd "LANG AFKO KIINGLA HAAYNY UURKO MAKIILY E". Haddaba qofka haddu ka tago AF-MAAYGA, ma waxaan oranaynaa wuxuu ka tagay AF-KII oo keliya mise wuxuu luminayaa dhammaan waxyaabihii ay LUQADDAASI sidaha u ahayd ee aan horey uga soo hadalnay. Xaqiiqdii qofkaasi wuxuu luminayaa dhammaan waxaabihii LUQADDAASI ay sida u ahayd! Haddaba waa yaabe, dadka ilmahooda baraya AF-MAXAATIRIGA mawaanay ogeyn in ay markay ugu yartahay kala goynayaan xiriirkii u dhexeyn lahaa ilmahooda iyo dadkii ama degaankii ay u dhasheen. Mise wey ogyihiinoo waxay doonayaan, sidaan horeyba usoo sheegnay, in ay wax dhalan-rogaan oo ay soo saaraan jiil cusub oo dhinaca fekerka iyo dareenka MAXAATIRI ka ah, magaca iyo muuqaalkana Digil-i-Mirifle ka ah? Jiil DABADAREER rasmi ah u noqda beelaha kale, maxaa yeelay qofku hadduu meeshiisii uu ka tago meel kalena aanu gaareynin waxaanu marnaba hureynin in uu DABADAREER u noqdo qofkii meel haysta/ku sugan. Return to Index |
| Create your own forum at Network54 |
| Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved. Terms of Use Privacy Statement |