Runta in laga hadlo waa muhiim

by

 

Marka hore waan idin salaamay dhamaantiin dadka sharafta leh iyo waliba kuwa damiirka leh sida walaalkeyga soomaaliyeed ee Abdi. Saaxiib waxaad ka hadashay xaqiiqda soomaalida maanta mareykanka joogta 55% waa soomaali ka carar aniga waxaan ku noolahay dalka mareykanka waxaanna la kuilmey dad badan oo nooca gabadha maay maayga ka hadleysay hooyooyin soomaaliyeed oo waxaad arkeysaa caruurtooda ku barbaarinaya luuqada Englishka intii ay ku barbaarin lahaayeen luuqadooda hooyo maxaa yeelay waa muhiim qof kasta ee soomaali ah inuu ku adkaado dhaqankiisa, luuqadiisa, diintiisa,jeclaanta wadankiisa iyo dadkiisa. Laakiin maanta hahii aan soomaali nahay intaas aan kor ku soo xusey wey yaryihiin in ah. marka ilaah waxaan nooga baryayaa inuu dalkeena nabad nooga dhaliyo dadka soomaalieedna ilaahey ka dhigo kuwii is jeclaado, aamiin, aamiin, aamiin

By Abdi Nasir Yare

Posted on Aug 2, 2005, 6:08 PM

Respond to this message   

Return to Index

Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement