--


KOL HADAAN MIRIFLE KA XOROOBAY

by Saalax

 
Mar hore waxaan madaxda foorumka ka codsanaya in ay fikrad iga siiyaan forumka qeybta dooda siyaasada waxa ka jira. Walaalayaan wax fikrad ah haddaan ka dhiibto kuma gudbin karo marka aan riixo "POST" ma garanayo sababta waxay tahay.

Arinta kale ee aan doonayo in aan ka hadlo waxa weye in been abuur ay tahay waxa saaxiibkey Digilow ku soo qoray forumka qeybta siyaasadda oo ah in Tuni iyo abgaal heshiyeen. Maxaan ku heshiinaa anaga iyo abgaal, maba nihi dad isku dhul ah,isku dhaqan ah, iyo isku qabiilna ah. abgaal xoog iyo boob ayuu ku yimid nawaaxiga baraawe. Welina waxaa halkaasi ku hubeeyaan mohamed dheere iyo cali geedi oo siku sheegay in ra'isul wasaare ka ah Somalia. Abgaal waxay ku shaqeeyaan the fenomena of land invation oo soo saareen dhamaan HIRAAB gaar ahaan habar-gidir iyo abgaal waxaana taageeraa arintaasi mursade oo sheeganayaan in Afgoi ay la leeyihiin Geledi. Dhulalka aan ka hadlayo waxaa iska leh D/M gaar ahaan Digil.

Ninka sheeganaya Madaxa ururka Digil, waa in lagu soo abuuray Jowhar, lacag aad u rakhiisna waa la soo siiyey, waxayna gaareysaa 370 doolar oo keliya. Ninkaasi mucaarad ayuu ku yahay dagaal yahanada Tuni Shangamaas ee ka dagaalama dhulka Tunida gaar ahaan Heeji Mahaad, Kuunya Barow iyo Xaranka.
Kuwa uu sheegayo in ay yihiin nabadoono ka qeybgalay shirka heshiisiinta waxay kala yihiin kuwo weligooda la haystayaal ku ahaayeen Xamar iyo Baraawe oo habar-gidir iyo abgaal ku haysteen tan bilowgii 1992kii.

Tuni waa Digil, abgaalna hawiye ayuu ku abtirsada, siku dhaqan iyo isku fikrad midna ma ninhin.


Wa Billahi Towfiiq

Posted on Nov 22, 2005, 6:05 PM

Respond to this message   

Return to Index

Response TitleAuthor and Date
WAA SAX IN UU ABGAAL U DHALN BARAAWE on Oct 27

Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2008 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement