Waxa aan hubaa, in af-Maaygu yahay, af hodan ah, leh suugaan, iyo hadal, dhegaha u macaan. Waxaan ku taamayaa in aan barto. Maxaa-yeelay waxa uu ka dhowrsoomay inuu labmo, oo afaf kale ereyadooda qaato, sida hadda uu yahay afka walaalkiis ah, Maxaayga ama Soomaaliga. Waxa ku batay ereyo ah Carabi,Ingiriisi,iyo Talyaani. Welina waa ay ku sii badanayaan, ilaa maalinta uu dhalan-doorsoomayo, haddii aan dadkiisu garan ,oo ka tashanin afkoodaas liinbaxaya.