Waxay ila aheed in Somalidu ay ka soo daashay shir dibadda lagu qabto oo warloadkiina uu dalka gudihiisa ku jiro, shirkiina la gaadho go'aano aan sal lahayn, taasi ma gar baa? oo ma sugaynaa sii tii Carta,Qaahira, Addis Abba, iyo tan soo socota ee Khartuum.
Waxay ila tahay jawaabtu waa Maya!!! Maya !!!
ee Ragow maxay idinla tahay, sida dalkii ( SOMALIA ) u xal ah iska ilow dowlad goboleedyadda sida Puntland, Somaliland , Hiiraanland & Jubaland
Walaal Maxamuud Ciisoow,Sheekada Shirka Kenya waa sidda aad u sheegtay ee waxba ha shakinin.Warlord' kasta waxaa dan ugu jirtaa in aan heshiis balaaran dhicin oon doowlad wadanka oo dhan kataliso eeyan dhismanin oo foowdada iyo qaska maanta taagan uu saas ku socdo.
Qulquladaas, nidaam darada iyo musiibada maanta taagan
dadka wax ku helay:ha ahaato magac,dhaqaale,meekhaan ama Goof eey ka taliyaanba ma doonaayaan in eey dhumiyaan intaasoo dhan.Maxaayeeley ninkii shaley afka xayaabada ka saarneeyd oo qadadiisa la diriraayey oo kuwa aan soo sheegnay ka mid ah,"NABAD"ha dhacdo waa u musiibo oo macnaheedu waa meeshaadii ku noqo safka gadaal ka soo qabso oo dowdarnimadaadii u noqo.Taasne ma aha mid eey yeelayaaan ayagaane ugu mintidsan dadka masraxa siyaasada maanta ka cayaaraayo waxeeyne haystaan dad badan oo gacan siinaayo oo ayaga ku tiirsan:ha ahaado calooshood u shaqeeystayaasha,odayaasha bayac'mushtarka isku sheega,odayaasha qabiilka ku qaraabto,kuwa dhac dhaca ka soo galo iyo tuugo kale oo muska ku jirto.
Runtii hadaad u fiirsato dadka siyaasiyiinta isku sheegaayo maanta Soomaaliya joogo waa dad ku soo wada miciyo jabsaday doowladii Tuugada iyo lugooyada ahayd
ee Af-weeyne oo waligoodba aan erey xalaal ahba afkooda soo marin.Dadkaas waaye dadka aad ka sugeeeysid in eey danta wadankaas ka taliyaan oo ayagune waa qaar ka mid ah kuwa tuugada aan kor ku soo sheegey.
marka aan dhahaayo "SIDEEY TAHAY BEEY KU SOCON "
Waxaan ka wadaa Ariga waxaa ilaalinooyo waa Dhurwaaga aan ka qeeylinooyno oon rabno in aan ariga ka dhacsano.