|
XUKUNKA HA LA IIGU DARO - PUNTLAANI KAA DIIDEYJanuary 4 2002 at 5:28 PM | SHAADH GIIJE |
| DORRAAD BAA INGIRIISI CIGAAL- XEEBAHA KASOO DEGEYE -
FRANSIISNA DUUB LA KACAY - AANAN CIDI U DIIDINE -
CAD KALENA WAXAA DAFAY - XABASHI DERISKAAYE -
DAANTA KALENA TALYAN BAA - DEEYRTEY OO XIRTAYE -
SIDAASUU DALKEENII U BAXAY - DUNIDA GUUDKEEDA E -
DAL-SOOMAALI BAAN AHAY(Somaliland) - EE DAD SOOMAALI MAAHI -
DOODDAN AAD QABTAA CIGAAL- ANIGU KAA DIIDAYE -
WAA LAY DILAY OO HADANA - WAA LAYGUSOO DUULAY -
DACWADDAANA WAA LAGULA QABAA - LAGAAGANA DARRAADAYE -
HADDAAN RUNTA LA DIIDEEYN ADBA - DOORKAA CIYAARTAYE -
DABKII AAD WAX KASOO SHIDDAA - DIIRTAY DHOGORTAAYE -
DALKAN WEEYNU WADA LEENAHAY - DIR IYO DAAROODBA -
DIGIL IYO MIRIFLE-IYO - DIIRCAD IYO JAREERWEYNE -
IYO RUUX DUNTIISU AY GASHAA - DUXMIGA SOOMAALI -
IYO DADKII FAC KA FAC - DEGELKA NALA JOOGAY -
SOOMAALIYA WALLANEY DUMEYN - DAAYIN ABEDKEEDE -
DEEXDA BADAHA WEYN - DACALKASTOOD EEGTO -
DUQEEY BAA MADAX KA AH - DALALKA OO MIIRAN -
DIGDIG BAAD WADDA IYO - DAALLINNIMO WEYNE -
DAMDAMLEYSEY CABDULLAAHI - DAN IYO XEESHAAYE -
DADWEEYNUHU HADDAY MAR QURA - DOORASHADA AY DHIIBTAAN -
DIKTATOOR IYO DIIMUQRAADIBA - CODKA MA DIIDAANE -
DAACADI WUXUU HELAA KOLLEEY- DARAJA MEEQAANE -
DIKTATOORNA SANAADIIKH BUU - SOO DILIN DILLEEYSTAAYE -
ADNA DOOCNA MAADAN GARAN - LAGA DABBAASHAAYE
XUKUNKA HA LA'IIGU DARO - PUNTLANI KAA DIIDDAY -
DUUNYA MAAH SHACABKU - LAYSKA DAREERSHAAYE -
DOQONYOHOW TAG AAN - DOOCNA GARANEYNE -
ANAA DIIDAY ANAAN DOONEYN - DANAHA LAGA RAACYE -
DALKA ADOO KALE WAA - IN LAGA DIFAACAAYE -
DEGMOOYINKA PUNTLAND IYO - DUUBKA SOOMAALI -
DAREEN BAA JIRO WAA - NALOO DAN LEEYAHAYE -
DUSHA RAAS CASAYR IYO - ZEILAC DACALKEEDA -
DOOLOW ILLA BAAY - TAN IYO GOOBTII DUDUMAALE
DOONYA LIBIRSHE TAN IYO - DURUGSAN MAAKHIR KOOS -
LAAS DAWOCO, TUBAAL WARAABE - GEGIDA DOOFAARREEY -
DIRIFKA RAAS KIYAAMBOONI ILLA - DAASHASHKII LOOWYA CADDE -
DAAQSINTA QURAC JOOME IYO - DUSHA ABEESAALE
DALKA OO DHANBAA KU SUGAN - XAALAD AN DEGGANEYNE -
DOONYIHII JARMAL BAA FADHIYA - OO LASOO DIRAYE -
DOCDA KALENA XABASHIGIIBAA - RABA INUU SOO DUULO
MARYKANNA DUSHUU LALINAYAA - DIYAARADAHA WAAWEYNE -
WAA DAGAAL HORLE OO WAA - NALOO DAN LEEYAHAYE -
DAWLADDAN MA MEEL GAARKA AH - EEN DEGMANA HAYSAN -
DABLEYAASHII AFWEYNOO - IYAGU IS DARAJEEYEY -
IYO DALLAALIN KALOO - DALKA LA BOOBAAYA -
IYO CAASIMAD DUDUNTEY OON - DAARINA KA TAAGNEYN -
DAMBIILO FAARUQ AH AYEEY - DIBAD LA MEERAANE -
DURUUSTII AFWEYNEY WATAAN - OO DAABAC WEYNE -
DULLIYOHOW TAGA IDINKAA - DUMIYEY QARANKEENE -
NINKII WALAALKII DILEY EE - HADANA BOOBAY DERISKIISI -
EE DUMAR IYO CARUUR IYO - WAAYEELNA AAN DEYNIN -
EE DAB KU AFUUFAY CIDAAN - DEMBINA U GEEYSAN -
DARIISHADAHA KII FURTEE - DUBEEY U IIB GEEYEY -
IYO DAALLIN AFWEYNE KORSADAY - OO IS DABA JOOGA
MIYAA DAWLDNIMA SHEEGANAYAA - WAABA KAMA DAMBEYSE
KOOFI ANAN WAXAA LAGU DARAY - DIIRCAD YURUBIYAANE -
SWIISKANA DAAR BAA LOOGA DHISAY - BUURAHA DUSHOODE -
NOBEL PRAYSKINA DORRAAD BAA - LAGU DIKTOORAYE -
WAXA LOO DIYAARINA HAYAA - MARTIGELIN DAMAASHAADE -
DANB MAYSAGAA TOLOW KALE - AFRIKA DIIFTEEDE -
DAARTAN ANAA XAARTAY (Cabdullaahi) - NINA MA DOONAAYO -
DALKA ANUUNBAA KA TALIN (Ina Salaad) - NINA MA DOONAAYO -
IN SOOMALIDA LAKALA DIRAA (Shaati) - NINA MA DOONAAYO -
ANNAGU DUUL KALAAN NAHAY (Cigaal) - NINA MA DOONAAYO -
DADKA OO DHIIGOODA LA IIBSADAA (Caato) - NINA MA
DOONAAYO
DAR XUMUU U DHIMAN NINKII - DULMIYA SOOMAALI -
HABKA DAWLADNIMO WAA - DANAHA GUUD DHOWRE -
DULMIGA IYO EEXADA OO - LAYSKA WADA DAAYO -
DIINTA IYO DEGELKOO - DAACAD LAGU ILAASHO -
DARYEELKA UMADDEENOO - LOO WADA DAREERO -
DABADEED UUN BAA LA HELI - DIIRSI IYO KHAYRE |
|
|
|
|