dhamaantiin waad salaaman tihiin, intaa ka dib waxaa jirta in jiritaanka puntland ay weerar qaawan ku soo qaaday bbc-da laanta af soomaaliga oo gacanta u gashay mooryaan, hadaba waxey ila tahay in ay ka doodo jaaliyada puntland ayna xal u hesho si ka dib dadka wadankii jooga looga dhaadhiciyo iney ka xoroobaan oo aysan mar danbe ka muuqan puntland saameeynta bbc-da oo ay iyagu sameysan karaan saxaafad xor ah, jaaliyaduna ay ku dadaasho siddii ay uga caawin laheyd, waxaan rajeynayaa in la ila fahmo waayo mar dhoweyd oo aan boosaaso joogay waxaa ii muuqatay in dadka bbc-du ay madax furasho u heysato. nabadgelyo |