Home                                    Qandala Forum

 

 


  << Previous Topic | Next Topic >>Qandala Forum  

PUNTLAND STATE OF SOMALIA waa Qaran yar oo Soomaaliyeed

January 28 2001 at 1:51 AM
XoogSade 

 
PUNTLAND STATE OF SOMALIA waa Qaran yar oo Soomaaliyeed

 
 Respond to this message   
AuthorReply
Noor

Wa run,Laakiin hogaan wacan ha loo sameeyo

March 4 2001, 7:44 PM 

Jiritaanka P/land wa Mudnaanta kowaad Laakiin Daayeerta meesha maamulaysa ha laga qaado.Wa nimanka badda xaalufiyay,ku aasay Nuclear Waste,Lacagta been abuurka soo daabacdaa,Dekadda Bosaso lacagteeda siiyaa RRA iyo kuwo Kale.Ciidanka u samaystay in ay dadka masaakinta caburiyaan.Kaalkacayo ayaa logu tala galay in ay difaacaan lakiin Bosaso iyo Qardho ayay mooryaan ka yihiin.
Haddii la rabo in P/land jirto wax halga bedelo sida haatan ay tahay.Haddii kale waxaa soo socda daran.
Noor
Australia

 
 
Anonymous

Untitled

April 4 2001, 11:24 PM 


 
 
abdulle

aflagaadada noor

April 5 2001, 1:15 PM 

waxaan jeclahay inaan halkaan ka raali galiyo dhamaan dadka jecel jiritaanka punt-land iyo in umada walaalaha ahi aykuwada noolaadaan maxabo isjacayl,siddaas awgeed waxaan idinka codsanayaa iniidnan waxkasooqaadin aflagaada noor aydoo lagayaabo inuusanba udhalan meelaha uu sheeganayo ee uu yahay mooryaan umada ehelkaa iskudiraya.
waa jirtaa in uusan maamulka abdullaahi yuusuf hawlo badan oo loobaahnaa uusan qaban wali , mase aha inuu uqaban waayey xumay iyo dayac , balse walaalayaal fiiriya hantida lahelay iyo meeshii wax laga soo bilaabay iyo meesh hada lamarayo.
markii la aasaasay maamulkaan ,maalintii ugu horeysay oogolaha wasiiradu ay kulan yeeshaan waxay ku shireen dugsigii-hore ee garawe oo ayaalaan 15 miis iyo 20 kursi waxaan adkaatey meel waxlagabilaabo maxaa yeelay wax kasta oolasooqaadaaba waxay noqdaan tan uyadu ugumihiimsan inlahormariyo, waxaa kaloo ayana lugarabay 240.000 kun oo doollar oo ahaa qarashkii shirkii garawe oo maamulka lagu dhisey oo ay reer garawe bixinayeen .
nasiib wanaag waxaa ladhisay dhamaan hayadihii dawlada , nabadgalyadii oo looarkayey inaytahay shayga aykudhisantahay punt-land waxaa lahirgaliyey dhamaan sisteemkii ay dawladi ku shaqaynlahad oo maanta kiikale oo qabtaa uusan dhib badan kala kulmayn , maxaa yeeley hawsha intii ugu dhibka badnayd waalaga gudbey, oo waxaa hada lafakarayaa dibudhis iyo horumari in lasameeyo iyo arimiibulshada,
dhanka kale hadaan wax ka iraahdo hadalkii noor walaale boosaaso iyo qardho wax makala aha ,waxaadse ogaataa ingaalkacyo anaywali helin nabadgalyada taala qaybaha kale ee punt-land iyohorumar lamida toona ayadoo ayugu wacantahay meelfurin ah ooay kutaal, nabadgalyada PL oo dhamina ayada kuxirantahey,ayna ahayd iyada inawaada lasaaro sidii wax loogaqabalahaa ,laakiin waxaa diiday noor ookale oo oranlahaa gobolkaliyaa wax loo qabtay oo loo eexday sidaas awgeed baaiyadoo mudnaanta koowaad lahayd laysaga indhasaabay inwax laga qabto hadana ay gonalada uguliidataa.
waana mahadinayna horumarka lagaarsiiyey boosaaso,garawe,qardho iyo dhamaan meelaha kale oo dhaama sii hore.
waase kaxumahay inaad tiraahro ciidamadii loogu talagalay inaydifaan gaalkacyo inaadtiraahdo waxaa loodhistay in boosaaso iyo qhardho lagucaburiyo waase adiga iyo garaadkaa oo garashadaa baad hadashay waxaase jira walaalahaa oo kuu fayow ilaahay mahadiis.
dadka reer PL waxaan leeyahay walaalayaal inlaga gaabsada in reer, magaalo, iyo shaqsiyad qofeed wax lagasheego sida noor oo kale.
hase ahaatee qofka latusaaleeyo waxii uukuqaldamay ayadoo sixid loolajeedo.
PL waa qaran usocda qaranimo soomaaliyeed yaanse jilaafo loodhigin ayadoo lagu marmarsoonayo waxyaabo kale ,maxaa yeelay qofkastaa waxuu qabto iyo waxuu bi,iyo taariikhdaa sheegin haduu ku amaan leeyahay iyo haduu ku ceebaysanyahaytoona.
waxaanse qabaa in PL waxwayn qabatay ilaa soojiritaankeedii labdasano iyo barka ahaa hadii kuwa joogaa hada siijoogaana aysii wadaan horumarka hadii kuwa kale yamaadaana ay ufududaanayso sidii ay uhorumarilahaayeen , balse inaga nalooga baahanyahay inna labadaba kutaageero wax qabadkooda , balse aankadayno inaan iyaga isaga horkeeno gobol,gobal iyo reer-reer sida noor ookale oo jiritaankii PL oo dhan ku qiimeeyey ciidamo badanbaa loosamaytay boosaaso iyo qardho si loogu caburiyo dadwaynaha deegaanadaas.
ilaahay hanaga koriyo kaasoo kale inagana haynaga dhigo kuwii isku ujeedo leh unamidooba dhismaha dalkooda iyo diintooda isuna jeclaada islaanino ahaan iyo dhalash ahaan, iyo soomaalihaan intaba.
mahadsanidin .

ABDULLE ABDU (sweden)

 
 
Current Topic - PUNTLAND STATE OF SOMALIA waa Qaran yar oo Soomaaliyeed  Respond to this message   
  << Previous Topic | Next Topic >>Qandala Forum  
Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement