Wufuud Golaha SRRC oo Gobolada dalka u kala amba baxay.
PLHOME Posted Apr 30, 2001 12:46 PM
Axad,30 April, 2001:
Jen. Aadan C/laahi Nuur (Gabyow), Jen. Maxamed Saciid Xersi (Moorgan) iyo mas’uuliyiin kale oo ka mid ah kaaliyeyaashooda ayaa la qorsheynayaa inay ka ambabaxaan magaalada Baydhabo, iyaga oo ku sii jeeda gobolka Jubbada Hoose.
Sida uu xalay sheegay Xasan M. Jumbur oo ah xoghayaha dib u heshiisiinta Golaha SRRC oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo, Sabtida soo socota ayaa lagu wadaa inay bilaabaan socodkooda gobolkaas.
Mr. Jumbur Wuxuu sheegay in goluhu uu yahay Gole Nabadeed ayna u qorsheysan tahay in Soomaalidu gacmaha is qabsato lix bilood gudahood, isagoo xusay in dhammaan gobolada Soomaaliya ay wada tagayaan wufuud Golaha ka socota.
Col. Cabdi Warsame Isaaq, Cumar Xaaji Masalle iyo rag kale ayaa shalay ka ambabaxay magaalada Baydhaba iyaga oo ku sii jeeda gobolada Jubbada Dhexe iyo Gedo, halka Xasan Qalaad iyo Yuusuf Azhari ay dorraad u ambabaxeen gobolada Hiiraan iyo Puntland, sida uu sheegay Mr. Jumbur oo xusay in isaga qudhiisu uu u amababaxayo gobolka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Wuxuu xusay in gobolada Bakool iyagana ay u baxayaan madax ka tirsan RRA, halka Shabeelaha Hoose uu u ambabaxayo xoghayaha caafimaadka ee golahaas Dr. C/casiis Sheekh Ismaaciil. Jumbur wuxuu sheegay inaysan dooneyn dagaal haba yaraadee, howshooduna tahay wax uu ku tilmaamay dib u heshiisiin dhab ah.